Eng: Aadan Muuse Cilmi (Shiine) Gudoomiyihii Hore Tog-wajaale Hindisaha Qorshaha Town-planeka Magaaladaasi Oo Ka Hadley Hir-galinta Madaxweynaha Ee Himiladiisii.

Gudoomiyihii  hore  Ee  Tog-wajaale  Eng:  Aadan  Muuse  Cilmi  (Shiine)  ayaa  ku  hambalyeeyay  Madaxweynaha  Jamhuuriyada  Somaliland  Mudane  Muuse  Biixi  Cabdi  talaabada  horumarka  leh  ee  uu  ka  dhabeeyey  waa  samaynta  (Town-planeka)  Tog-wajaale,  Shiine  oo  ahaa  gudoomiyihii  ugu  horeeyey  ee  ku  fikira  qorshahaasi  habaynta  magaalada  waayo  waxa  uu  ahaa  Injineer  ka  soo  shaqeeyey  shirkado  Mareykan  ah,  Aqoona  u lahaa  qaabka  Master-planeka  isagoo  mudadii  uu  joogay  soo  dhigay  in  loo  baahan  yahay  Qorshe-magaaleed  sidaa  darteed  waxa  uu  u  gudbiyey  Badhasaabkii  xiligaa  ee  Gabiley  iyo  Wasaarada  Arimaha  Gudaha.

 

 

Aadan  muuse  cilmi  (Shiine)  ayaa  soo  gaadhsiiyey  xarunta  War-qabadka  Shabakada  Hal-door  news  Qoraal  uu  kaga  hadlayey  Arinkani  Isagoo  hada  ku  sugan  dalka  Uk,  Waxaanu  u  dhignaa  sida  tan  anigoo  ah  Gudoomiyihii  hore  degmada  Tog-wajaale  oo  markii  lay  keenay  magaaladaasi  ku  fikiray  inaan  talaabadaa  qaado  ama  aan  hindiso  (Qorshe-magaaleedka ) maanta  ay  wajaale  nasiibka  u  heshay,  Waxa  mahad-naq  gaara  mudan  Ilaahey  sokadii  Madaxweynaha  Jamhuuriyada  Somaliland  Mudane  Muuse  Biixi  Cabdi  oo  suura-galiyey   Town-planekii  magaalada ,  Waa  riyo  iyo  hadaf  aan  lahaa  marse  hadii  Eebe  garansiiyey  fulinyiisa  Hogaamiyaha  suuban  ee  dalka  waa  ii  farxad  ama  guul  ay  dadkaygii  iyo  magaaladaydii  gaadheen.

 

 

Sidoo  kale  isagoo  sii  wata  hadalkiisa  waxa  uu  hawada  u  soo  mariyey  shacabkiisii  reer  wajaale  iney  waafaqaan  oo  aaney  ka  hor  iman  horumarka  iyo  waxtarka  quruxda  iyo  qaab-dhismeedka  caalamiga  ah  ee  loo  samaynayo,   Oo  ay  garab-galaan  waayo  magaalo  waxay  ku  dhisantaa  laguna  qiimayn  karaa  waa  Master-planekeeda  sidaa  darteed  reer  wajaalaw  maanta  ayaa  iniigu  horeysa  horumar  ama  horu-socod  maadama  magaaladu  Base  iyo  bilic  fadhida  ay  yeelatay,  Waa  lama  huraan  Magaalada  Wajaale  halka  ay  Somaliland  kaga  taalo  oo  xudun  ama  xarun  u  ah  Ganacsiga  Somaliland,  Markaa  si  loogu  soo  hirto  waa  iney  heshaa  shuruudihii  hagaajinta  magaalonimo  kaasi  oo  laga  dhaxlayo  Wanaaga  wajaale  iyo  hadafka  dhamaan  umada  reer  wajaale  ay  leeyihiin.

 

 

 

Gaba-gabadii  waxa  uu  xusey  Eng: Shiine  gudoomiyihii  hore  degmada  tog-wajaale  in  ay  Taariikhda  u  gali  doonto  Hogaamiyaha  dalka  Mudane  Muuse  Biixi  Cabdi  talaabada  geesinimada  ee  ay  xukuumadiisu  ku  fulisey  Master-planeka  wajaale,  Muusena  ay  wajaale  ka  dhaxli  doonto  town-planeka  oo  noqday  waxqabadkii  ugu  mudnaa  uguna  horeeyey  ee  Madaxweyne  Biixi  u  tafa-xaytay,  Aakhirkiina  waa  ku  bogaadiyey  hambalyo  iyo  ducana  uu  isugu  darey  Xukuumada  Madaxweyne  Biixi,  Isagoo  waliba  ku  darey  inay  ku  kalsoon  yihiin  tanina  ay  tahay  waxyaabihii  ay  hogaamiyaha  Qaranka  u  Doorteen ,  Oo  ay  badankooduna   fuleen  waa  ifa-faalaheedee.

 

 

 

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

Leave a Reply

Your email address will not be published.