War Degdeg ah: Agaasimihii Warbaahinta Haldoornews Jimcaale Dayib oo mar labaad Saaka Xabsiga Loo Taxaabay.

Hargeisa (Haldoornews)-Wariye Jimcaale Dayib Cali ayaa Saaka Maxkamadda Gabiley Xabsiga u Taxaabtay Ka dib markii ay kala Noqotay Damaanad uu muddo laba Bilood ah ku joogay Dalka.
Xadhigan wariyaha oo uu Maayarka Gabiley Cadaadis Xoogan ku Saaray Gudoomiyaha Maxkamada Gabiley in Xabsiga lagu Celiyo Wariyaha oo lagala Noqdo Damaanad lagu Sii Daayay ka dib markii Wax Danbi Lagu Cadayn Waayay.
Wariye Jimcaale Dayib ayaa Muddo Bil ah Xabsiga Gabiley Si Aan sharciga Waafaqsanayn ugu Xidhnaa Maayarka Gabiley oo Dacwad ku Soo Oogey.
Kiiska Loo Hayso Wariyaha ayaa Maxmada la horkeenay Afar Markhaati oo aan Wax cadaymo ah wadan isla markaana Ku Khashifmay Dacwad Been abuur ah oo lasoo Dhoobdhoobay oo ay Maxkamada la Hor yimaadeen, iyada oo uu Racfacaan ka Qaaday Maayarka Gabiley Kiiskan.
Xadhiga noocan ah ayaa U muuqda Aargudasho iyo Cabudhin lagu Hayo Saxaafada madaxa Banaan ee Somaliland oo Gudoomiyeyaasha Dagmooyinka Qaarkood Sharciga ugu Awood sheegtaan Shacabka iyada oo aan Muwaadinka lagu Haysan kiis loogu diidi karo Damaanad.
Maayarka Gabiley ayaa Ku Danbabasaya Xadhiga Wariyahan Duufaano Siyaasadeed oo kaga Kacsan Golaha Deegaankiisa oo Kusoo Eedeeyey inuu ku Takri falay Hantidii umadda, sidoo kale Dacwado ka dhan ah ugudbiyey Wasaarada Daakhiliga.
La soco Wixii kasoo Kordha Xadhiga Wariye Jimcaale Dayib Cali
Haldoornews.com
Hargeisa Office
haldoornews@hotmail.com