Gorfayn: Buuga SOOYAAL, Ina Cabdalla Xasan ma Sheekh buu ahaa mise ….? (WQ: Fu’aad Cabdillaahi Xasan) | Haldoor News
Haldoornews.com
Gorfayn: Buuga SOOYAAL, Ina Cabdalla Xasan ma Sheekh buu ahaa mise ….? (WQ: Fu’aad Cabdillaahi Xasan)
March 24, 2018 - Written by admin

Xasuusin: Gorfayntan waxaan qoray 29,01,2013 oo ku began afar bilood kadib markii uu soo baxay buuga SOOYAAL, Ujeedada aan dib ugu soo daabacay waa Khilaafka ka dhex taagan Qoraa Guri Barwaaqo iyo Beesha Ciidagale ee loo kala waramay,Anigoo uga dan leh in la fahmo ujeedada buuga SOOYAAL balse aan lagu qo’aan qaadan dhaliilaha shaqsiga iyo isku dirka ku salaysan ee kasoo burqaday Mohamed Bedel. …AKhris wacan.

Bishii sagaalaad ee sanadkii galbaday 2012 waxa ifka usoo baxay Buuga SOOYAAL oo lagu daabacay magaalada Hargeisa. muuqaalka iyo tayaynta qaab ahaaneed ee buugani waa mid wakhti badan iyo dadaal dheeraad ah loo huray, waxaa lagu dahaadhay Jaldi leh midab qurxoon una eeg midabkalaga helo lo’da Somaliyeed oo loogu yeedho DHIIN-BEY, midabkaasi oo iskugu jira Casuus dhalaal leh iyo Madaw quruxi ku dheehan tahay oo indhaha xiiso galinaya, Isla dahaadhka buuga waxa meel sare kaga xusan qoraaga buuga Cabdiraxman C. Faarax Barwaaqo oo indheergaradka bulshada somaliyed ay sifiican uga war hayaan haybadiisa qoraanimo.

Inagoo aan marnaba ka gayoonayn habka qoraanimo, Suugaantiisa iyo shaqsiyadiisa oo buugaag laga qori karo, bal aan ku koobnaano uun Gorfaynta buuga SOOYAAL, waxaase lama huraan ah oo dhamaadka Gorfaynta si dulmar ah iila wadaagi doontaan Kaydka iyo buugaagta qiimaha leh oo uu Cabdiraxman u weeleeyay umada Somaliyeed.

Hadii aan ku noqdo dahaadhka buuga, meel hoose waxaa farwaawayn ku qoran SOOYAAL oo ah magaca buuga, meel dhexena waxaa markaaba ishaadu qabanaysaaa sawirka Qalcadii Sayid Maxamed Cabdale Xasan ee laga dhex taagay Mugadisho.

Intaa marka aad indhaha la raacdo waxaa meel hoose ku qoran, Ina Cabdalla Xasan Ma Sheekh Buu Ahaa Mise … ? Waa su’aal sidkan oo u baahan jawaab, gorfayn iyo garasho dheeri lagu eego, si loo helo jawaab ay ka madhan tahay caadifad, inoona ogolaanaysa ogaanshaha tagtada dhabta ah.

Akhriste su’aashan sidkan, qaybta hore mooyee mida danbe qoraagu si toos ah farta inooguma godin, wuxuuse inoogu soo bandhigay obocda buuga sifaha aynu siin karno Sayid Maxamed Cabdale xasan taasi oo u baahan caqli wax miisaami Kara, si aynu ugu yaqiinsano Sheekh ama uga garawno waxyaabaha kale ee lagu sheegay.

Qoraagu isagoo ka fogaanaya in fariin gaar ah oo uu gudbinayo lagu xidhiidhiyo ama loo aaneeyo waxa uu boga afar iyo tobnaad ee buuga ku afeeftay sidan;

“Anigu ina Cabdale Xasan isaga ayaa Sheekh sheegtay ee anigu kuma sheegin. Wax kalena dadkii kasoo horjeeday baa ku tilmaamay ee anigu kuma sheegin, Sidaas darted waxaan isku foodinayaa falkii iyo falaadkiisa si loo kala ogaado waxa uu ahaa”

Barwaaqo waxa uu ka dheeraaday inuu si toos ah uga falceliyo ama uga garnaqo sifaha aynu ugu yeedhi karno Sayidka, wuxuse inasoo hordhigay Cadaymo leh tixraac oo daaha ka faydaya aqoontii diimeed, foolxumooyinkii iyo habdhaqankii Sayidka si aynu uga jawaabno ugana garnaqno Su’aasha ina hortaal.

Qoraagu isagoo ina tusaya Culayska suaasha sidkan ee ina hortaal waxa uu boga shanaad ee buuga ku xusay tuduc ka mid ah hees ku jirtay Ruwaayadii Shabeel Naagood ee curinteeda uu lahaa AHUN Abwaan Xasan Sheekh Mumin, “Waa suaal da’ waynoo, madaxa daalinaysee dadweynahaa la waydiiin” Hadana si ay jawaabtu inoo fududaato, Qoraagu waxa uu si farshaxanimo leh uu usoo koobay habdhaqankii Sayid Maxamed Cabdale Xasan, taasi oo inoo faagaysa ka garnaqida ama ka jawaabida isla suaasha.

Marka laga yimaado Buugaag ku qoran Af ingiriisi, Af talyaani iyo Af Somali oo uu meelo badan qoraagu kasoo xiganayo, wuxu kale oo mar walba soo xiganayaa ama soo dheeganayaa suugaantii Sayidka oo laga dheehanayo waxyaabo badan oo burinaya Sheekhnimadiisa. Sidoo kale waxa uu soo dheeganayaa gabayo ay tiriyeen Abwaano caan ah, oo ka markhaati kacaya falal argagax leh, oo Sayidka iyo ciidankiisii darawiish ay ku fuliyeen bulshada noocyadeeda kala duwan.

Tixraacyada suugaaneed ee buugan ku xardhani waxay adkaynaynayaan suurtagalnimada taariikhda iyo dhacdooyinka ku xusan, waxaanay ka hor tagayaan in shaki iyo tuhun la galiyo dhigahanahan.

Qoraa Barwaaqo waxa uu dadaal dheeri ah saaray in dhacdooyinka buuga ku qoran tixraacooda uu ku xuso cidhifka hoose ee bog walba oo ah buuga, taasi oo ka mid ah sifooyinka qoraaga runta ah, qayb wayna ka qaata xiisaha buuga iyo farshaxanimadiisaba, taas ka sokow tixraacyada uu Cabdiraxman inoo soo bandhigay waxay inoo xoojinayaan kalsoonida run ahaanta dhacdada ama abuuritaankeeda.

Xiisaha buugan waxa uu igu kalifay in aan ku dhamaystiro akhrintintiisa Boqolkiiba sagaashan hal maalin iyo habeenkeed , Sadar kastaaba sadar ayuu ii gudbiyay, bog kastaana bog kale ayuu Ii dhiibay,Sadar kastaana ka ku xiga ayuu igu riixay, intii sadarba sadar ii dhiibayay ayay saacad kastaana ku durkaysay saacada ku xigta, ma ogaan goor waagu casuus ku dhawaaday. Intii aan ku gudo jiray akhrinta buuga, waxaan dhex mushaaxay Daraawiish iyo xaruntii taleex, Ciidankii Ingiriiska iyo taariikho boqol jirsaday.

Gorfaynta Buugan oo aan maqaal iyo laba midna lagu soo koobi Karin, waxaa uu ka kooban yahay qaybo badan oo qayb waliba leedahay qayb hoosaadyo, hadii aan si kooban u dul maro qaybaha qaar, waxaa ka mid ah;

Qayb uu qoraagu inoogu iftiiminayo sifaha lagu noqon karo Sheekh iyo cida Sheekh loogu yeedhi karo, isla qaybtan qoraagu waxa uu kusoo qaadanayaa Culimo somaliyeed oo gayiga somaliyeed caan ka noqday kuna sifoobay wanaag, waxtar diimeed iyo bulsheedba oo ay umada somaliyed uga tageen, kuwaasi oo jidkii ay jeexeen dad badan oo aqoonyahan iyo Culimo Somaliyed ahi ka aflaxeen.

Anigoo soo koobaya aan buuga SOOYAAL kasoo dhugto qaar ka mid ah culimadasi iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen arimaha bulshada wakhtigii ay noolaayeen.

Sheekh Yusuf Bin Axmed (Alkawnayn) : waxa uu Soomaaliyeeyay higaada afka carabiga, waxanu soo saaray habka caanka ah ee : Alif waxmaale; Ba’hoos ku-halle, Ta’ kor-ku-labaale, Tha’ kor-ku saddexle, IWM. Isagoo tilmaamaya shaqaladana waxa uu yidhi: Alif la kordhebey; Alif la hosdhebey iyo Alif la goday.
Sh. Madar Axmed : oo ahaa hogaamiye diimeed waxa uu qarnigii 19aad soo dagay dooxa marodijeex halkaas oo uu ka hirgaliyay xarun lagu barto diinta oo la yidhaa Jameeco-weyn, halkaas oo uu ka hirgaliyay maamul ku salaysan diinta Islaamka. Waxa uu sheekhu Jameecadii ka dhigay goob ay shisheeyuhu ku tilmaamaan inay tahay meel JANO ah oo ay dad dirirsani ku hareraysan yihiin, Sidoo kale waxa uu Sheeku wixii xoolo ah ee muquuno loo siiyo uu ku kaalin jiray Agoonta, Rajada inta laxaadka la’ IWM.
Sheekh Maxamed Cabdi Makahiil: Waxa uu ahaa aqoonyahanadii taageersanaa, in af somaliga lagu qoro xuruufta carabiga. Waxase jiray dhawaaqyo aanay carabtu lahayn oo uu baahnaa in wax laga qabto, balse Sheekh Maxamed waxa uusoo bandhigay higaad dhamaystiran oo iyadoo faahfaahsan ku xusan buugan SOOYAAL bogiisa 44aad.
Culimada kale ee uu qoraagu soo qaatay waxtarkoodiina lagu aflaxay waxaa ka mid ah Sheekh Ibrahim Cabdi Mayal, Sheekh Cabdiraxman Sheekh Nuur iyo Sheekh Uweys ibn Maxamed Al Baxraawi iyo kaalinti Culimadaasi kaga jireen bulshada wakhtigii ay noolaayeen kuwaasi oo uu qoraagu si waafi ah inoogu soo bandhigay.

Taa lidigeeda waxa uu isla tuduca sadexaad qoraagu inoogu soo bandhigay Nin la baxay Sh. Cabdalla Carab oo wadaad sheegan jiray, balse mar danbe la ogaaday inaanu muslim ahayn. Anoo buuga SOOYAAL soo dheeganaya aan soo koobo Sheekh Cabdale iyo sida lagu ogaaday inaanu Sheekh iyo Muslim toona ahayn; “Richard burton, oo u dhashay dalka Ingiriiska waxa uu sheegtay nin Sheekh ah una socda inuu diinta islaamka fidiyo, waxa uu magaciisa ku sheegay Sheekh Cabdalla, waxanu uu kasoo dagay Magalada Saylac halkaas oo lagu soo dhaweeyay mudo kadib waxa uu yeeshay xer weyn, balse mar danbe ayaa laga shakiyay waxana bulshadii reer Saylac ku sameeyeen baadhitaan iyagoo adeegsanaya aqoontooda gaar ahaaneed, waxaana la helay natiijo ah inuu Richard burton ahaa Buuryo-qab taasi oo ka dheer sifooyinka Muslimnimada”.

Qayb kale qoraagu waxa uu soo qaadanayaa beelihii uu Ingiriisku heshiiska la galay, iyado uu qoraagu beel walba soo bandhigayo qodobadii ay kula heshiisay Ingiriiska iyo waliba beel walba odayaashii u saxeexay heshiiska magacyadoodii iyo Jilib yada ay kasoo jeedeen.

Sida aynu ognahay Diinta Islaamku ma diidin in heshiis lala galo gaalo, iyadoo uu Nabigeenii suubanaa (CSW) uu heshiiskii Xudeybi la saxeexday gaaladii kasoo horjeeday. Hadaba maadaama aanay diinta islaamku inoo diidin in heshiis lala galo gaalo, waxa uu qoraagu si waafi ah inoogu soo bandhigay heshiisyadii ay lixda beelood ee reer Somaliland ahi la galeen Ingiriiska, heshiisyadaas oo ka koobnaa min Shan qodob, marka laga reebo beesha Warsangali oo heshiiskii ay Ingiriiska la saxeexdeen ka koobnaa todoba qodob. Heshiisyada ay kala saxeexdeen Ingiriiska iyo lix beelood oo reer Somaliland ah iyo asbaabihii kalifay ayuu hadana qoraagu inoo soo tabinayaa, kuwaasi oo loogu garaabi karo ama loogu nisbayn karo Gaalo raacnimada uu sayidku ku sheegi jiray beelahaasi.

Mawduuc kale ayuu qoraagu waxa uu u dhabo galay xog lagu kalsoonan karona inaga siinayaa masalooyinkii diiniga ahaa ee ay isku qabteen Sayidka iyo Culimadii reer berbera, xidhiidhka ka dhexeeyay masalooyinkaas iyo ka bixitaankii Sayidka ee berbera uu uga haajiray Caro Nugaaleed iyo sobobta uu u doorbiday Nugaal.

Obocda buuga maaha mid laga gayoonayo sidaan horeba u sheegay bogba bog kale ayuu ku gudbinayaaye, meel dhexe oo buuga ah marka aad marayso waxaad dareemaysaa firko nax iyo indhahaaga oo kaso boodaya buuga. Maskaxdaadu waxay ka argagaxaysaa waxyaabo badan oo xumaan ah, iskuguna jira Dil waxshinimo, Cay nooceeda ugu xun oo aan caruurta u wanaagsanayn akhrinteeda iyo maqalkeeduba, Caydaasi oo qaab suugaaneed ah Sayidku waxa uu u tiriyay bulshada noocyadeeda kala duwan oo ay ka mid yihiin Reero, Haween iyo Rag.

Waxyaabaha damiirkaygu diidayo ee gabayadii Sayidka ku jiray waxaa ka mid ah Gabayo uu sayidku ku caayay Reero,shaqsiyaad iyo dumar Soomaaliyed, Gabayadaasi maaha oo kali ah Cay balse waa mid aad u foolxun oo qalbiga u daran. Dhaqankeena soomaaliyeed hore uguma aynu baran in dumarka la caayo waliba lagu caayo hab suugaaneed, waxaa la odhan jiray dumarku waa Birmagaydo oo waa la ixtiraami jiray, waxaana laga qaadi jiray xaal qof kasta oo loo arko inuu ku xadgudbo, Balse Sayidku waa uu ku talax tagay inuu dumarka ku caayo Gabay, Qoraagu waxa uu inoo soo gudbinayaa Abwaano Somaliyed oo Xaal iyo faquuq kala kulmay Gabayo ay dumar ku caayeen iyo Sida Abwaanimadii sayidka loo buunbuuniyay isagoo sida ugu foolxun u caayay dumar Soomaaliyeed. Diinteena suuban ee Islaamka ayaa inooga digaysa gabi ahaanteedaba Cayda, Nin se wadaad sheeganaya oo hadana Caytamaya wax laga tilmaami karo waxaan u daynayaa akhristayaasha!

Midiba mid ka darane, waa dumarkii uu Sayidku uu u guursaday oo sodomeyo kor u dhaafay, isagoo waliba isla mar qudha wada qabay in ka badan afar haween ah, oo aanay diinteena suuban inoo ogolayn. Waxaan filayaa in ay arintasi ka dagi la’dahay maskaxdaada, balse qoraagu si uu inoo qanciyo waxa uu inoo soo bandhigay MAGACYADA 32 DUMAR ah iyo QABIILADA ay kasoo jeedeen kuwaasi oo uu sayidku guursaday. In uu Sayidku hal mar wada qabay todoba dumar ahna waxaa uu inoo soo bandhigay cadaymo tixraac leh.

Ka rog oo hadana saar, waxa si faahfaahsan inoo horyaal Ciqaabo iyo dilal ay Sayidka iyo Ciidankiisii Daraawiish si gardaro ah u fuliyeen, iyadoo xeerka loo adeegsaday yahay “ Wuu xujoobay, Xabadeeya, Hala xidho” waxaa taariikhdu qoraysaa nin la odhan jiray Shide Dhabar-jilic iyo qisadii dilkiisa. Dhiimo Ciise oo xaaskii Sayidka ah iyo waliba dil aad u fooxlun oo lagu fuliyay, iyadoo Maydkeediina lagu xadgudbay. Dilkii Garaad Cali Garaad Maxamuud ayaan ka maqnayn, dilal wadareedyo ciidankii daraawiish ay fuliyeen iyo dilal kale oo badan , Dhaca iyo Boobka xoolaha oo la xalaashayday baa kuu muuqanaya.

Waxaa isku kaa qaban waayaya Sayid Maxamed Cabdale Xasan sida ay ku sheegaan rag taariikhyahano sheegta iyo sidan uu Cabdiraxman Barwaaqo inoosoo gudbinayo, horaanta inaad yaabtana xaq baad u leedahay balse mar danbe adigaaba iskaa wax u garawsan.

Waxaa aad u xiiso badan qoraagu inuu u dhabo galay, daahana ka fayday Ceebaha ka buuxa Buugaag iyo qoraalo buunbuunin iyo wax is daba marin badan ku jirto oo aan ka xusi karno buug uu qoray Aw jaamac Cumar Ciise oo la yidhaa Taariikhdii Daraawiish iyo Maxamed Cabdale Xasan (1985-1920), iyo Maqaal uu qoray Axmed Faarax C. Idaajaa oo uu ciwaan uga dhigay Daraawiishtii iyo Soomaalidi kasoo horjeeday keebaa gardarnaa?. Cabdiraxman waxa uu toosh wayn ku ifinayaa qaladaad iyo wax is daba marin ay sameeyeen labadaa qoraa, waxaanu burinayaa dhacdooyin labadaa qoraa ay sidii saxda ahayd si ka duwan usoo tabiyeen, Isagoo inoogu ladhaya Cadaymo iyo Raadraac.

Buugaagta iyo Qormooyinka uu weeleeyay Cabdiraxman Barwaaqo

Cabdiraxman C. Faarax Barwaaqo waa Qoraa, Suugaan yahan ku talax tagay naxwaha afka somaliga iyo dhaqanka somaliyeed, aqoontiisa la xidhiidha afka iyo dhaqanku waxay u fududaysay inuu inoo soo saaro buugaag qiimo badan iyo maqaalo aad u xiiso badan oo aan hortii lasoo gudbin, Kaydka Cabdidraxman qaybo ka mid ah hadii aan magac-dhabo waxaa ka mid ah.

Buugaag:-

1) Mahadhada iyo waxqabadkaa Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye (2007)

2) Hal aqoon: Warsidaha suuganta iyo dhaqanka soomaaliyeed (2000 ilaa hada)

3) Abwaanka cudurada dadka iyo duunyada (2001)

4) Magac bilaash uma baxo: Ujeedooyinka magacyada

5) Abwaan cusub oo Afsomali iyo Af-ingiriisiya (1995)

6) Hal bixinta erayada kumbuyuutarka

Qoraalada:-

Baaxada Suugaanta haweenka soomaaliyeed
Caadooyinka soomaalida
Ciyaaraha somaalida
Cudurada iyo habkii ay somalidu isaga daweyn jirtay
Dhirta iyo dheefteeda
Ujeedooyinka magacyada magaalooyinka somaliyeed
Kumaa ah aabaha miisaanka: ma Gaariye mise Caraale ?
Qalabka iyo Suugaanta qodaalka (waxa la qoray Nugidoon)
Siyaabaha ay somalidu u ducaysato
Taabudnimada ereyga magac iyo adeegsigiisa
Ujeedooyinka magacyada xoolaha dhedig
Xasilooni darada afsoomaaliga
Taxanaha baro abwaankaaga

-Mahadhadii Maxamed Ismacil diiriye “qaasin”

– Mahadhadii C/laahi Suldaan Timacade

– Mahadhadii Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal

– Mahadhadii Ibraahin Xuseen Ismacil “Cirasuge”

Gorfaynta:

o Gorfaynta Qaamuuska cusub ee afsoomaaliga

o Gorfaynta buuga waxa la yidhi “sheekooyin hide ah”

o Ma dhabaa qabiil waa qab iyo ciil

o Gorfaynta buuga la yidhaa “Guri waa haween”

o Gorfaynta buuga la yidhaa:- literature of Somali nomastics and proverbs

o Xeerka abtirsiinta iyo aragtidayda

Buugaagta, Qormooyinka iyo Gorfaynta buugaagta ee uu qoraagu umada Soomaaliiyeed u weeleeyay intaa kuma koobna, waxaa kale oo aan jecelahay in aan xuso inuu Cabdiraxman yahay Tifaftiraha Guud ee Warsidaha Dhaqanka iyo Afka Somaliyeed HAL-AQOON iyo sidoo kale Warsidaha Afka, Diinta, Dhaqanka, Dhaqaalaha, Siyaasada iyo Waxbarashada ee HERER, kuwaasi oo soo baxa Sadexdii biloodba mar.

Cabdiraxman kuma koobna oo kali ah qalinka, balse waa Abwaan curiyay maansooyin badan, si aad iila aragto baaxada suugaanta Cabdiraxman iyo waliba sifaha uu qalinkiisu u adeegsado waxa tusaale kuugu filan tuducan hoos ku qoran oo ka mid gabayga Qoraa oo uu isaga laftiisu curiyay,

Waxan ahay qoraa, Murtidaan qalaa

Kala qaybiyaa, qaarba meel dhigaa

Waxan ahay quraar, qorigii tifliyo

Erayadii qariban, kaan qaab lahayn

Anigaa qorqora, hadalkii qumana

Ma qaloociyee, mahadhadaan qoraa. (Cabdiraxman, Barwaaqo)

Waxaan filayaa in qalinku ila taraaraxay ee aan ku noqono Gorfayntii. Buuga SOOYAAL waxa uu Cabdiraxman u huray dadaal dheeri ah, oo aad arki karto isla markaana dareemi karto, waxaana ka marag kacaya sida uu iskugu keenay taariikho kala duwan iyo xogo qarsoonaa oo uu daaha ka fayday, kuwaasi oo uu midba meel ka keenay.

Qoraaga waxaan ka codsanaynaa in uu halkas kasii wado buugaagta xiisaha badan ee uu u usoo tabiyo bulshada Somaliyed, Sidoo kale inaanu isku mashquulin dadka caadifada qabiilku indhaha iyo dhagahaba dabooshay, kuwaasi doodoodu ku salaysan tahay taageero indho la’aan ah iyo Jibo. Jibada iyo taageero xadh dhaaf ah oo aad shay ama qof u haysaa waxay kaa qarisaa inad aragto xumaantiisa.

Wixii gef ah ee ku jira qoraalkan maaha mid aan ugu talo galay waxaanse u nisbaynayaa shaydaan, ilaahay ayaanan danbi dhaaf codsanayaa, wixi wanaag ah ee ku jirana ilaahay baan waydiisanayaa in uu igu abaal mariyo.

Fiiro Gaar ah: Somalidu waxay tidhaa (Biyo sacabadaada ayaa lagaga dhargaa) akhriste waxaan jeclahay inaad Indhahaaga iyo Maskaxdaada kaga dharagto nuxurka buugan, maankaagana la kaashato Xiisaha buugan ku duugan si aad iila dhadhamiso waxaad ka heli kartaa madbacada buugaagta iyo hagaajinta kombuutarada Personal Computer Center (PCC) kasoo horjeedka garoonka Timacade, Hargeisa Somaliland.

Fu’aad Cabdillaahi Xasan

Hargeisa, Somaliland

fuaad_phy@hotmail.com

www.qalinmaal.blogspot.com

Mobile : 063-4666363

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka