Su’aal Askari Berbera – Taxanaha 89 – 90 – Qaybta Shanaad Qalinkii Yuusuf Garaad

Ka sokow xiriirka mas’uuliyiinta iyo shacabka oo aan kala shaqeeyo Madaxa Xafiiska, howsha iigu weyn ee aan Berbera u tegey waa in aan fasiro sababta ay Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed iyo Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ay u yimaadeen Berbera iyo Howlaha ay qabanayaan.

Sidoo kale  waxaa la iga rabaa in aan faafiyo Qaanuunka Caalamiga ah ee Dagaalka.  Waxaa la iga doonayaa in aan ku faafiyo ciidanka, hey’adaha Dowladda iyo dadweynaha siiba ragga da’  dagaallami karta ku jira ama ku dhow.

Waxaan ku qalabeysan ahay buugaag iyo waraaqo ku qoran Soomaali, Ingiriis iyo Carabi.

Waxaan sitaa aflaam kala duwan oo ka sheekeynaya bilaha iyo Laanqeyrta Cas iyo Xeerarka Dagaalka iyo tusaalayaal taariikh ah oo xeerarka dagaalka laga fulinayo goob dagaal oo dhab ah.

Waxaan sitaa mashiinka daara filimka ay dhumucdiisu tahay 18mm iyo midka lagu daawado sawirrada ee isagu is roga.  Waxaan sitaa Shaashadda filimka laga daaawado. Waxaan sitaa dab-dhaliye  fudud oo culeyskiisu uu dhowr kiilo uun yahay.

Waxaan sitaa cod baahiye iyo laba mikrofoon.

Xeryaha ciidanka iyo shaqaalaha Bisha iyo Laanqeyrta Cas ayaan ka billaabay howsha.

Xeryaha ciidanka badiyaa galab ama habeen ayaan tagaa.  Subaxa waxaana culeyska saaraa nooc kasta oo ay leeyihiin shaqaalaha Basha Cas iyo Laanqeyrta Cas – hadday noqon lahaayeen kalkaaliyayaal caafimaad, dhallinyaro khibrad qaadasho u jooga, shaqaalaha xafiisyada, kuwa gaadiidka iyo farsama yaqaannada, kuwa nadaafadda iyo nooc kasta oo kale sida ilaalada.

Ciidammadu inta badan si wanaagsan ayay xeryahooda iigu soo dhoweeyaan. Marka aan casharkeyga jeediyana su’aalo iyo jawaabo ama ra’yi ayaan inta badan is weydaarsannaa.  Marmar anigaa weydiiya su’aalo dood dhalin kara si aan u qiyaaso fahamkooda iyo sida ay u arkaan Qaanuunka Dagaalka.  Tusaale ahaan waxaan weydiiyaa sideed u aragtaa nin kula dagaallamaya haddii aad dhaawac ku qabato in aanad dilin ee weliba aad oggolaato in la daaweeyo?

Habeen ayaan Berbera cashar ku wada qaadannay. Filim isla mowduuca ahna waan daawannay. Waxaan xusuustaa askari dhallin yar oo iyada oo saraakiishii u madaxda ahaa ay fadhiyaan su’aal i weydiiyay.   Inta aad labada dhinacba dhaawacooda daaweyn lahaydeen sow kama habboona in aad na heshiisiisaan? Ayuu iiga nixiyay.

Waxaan u sheegay mas’uuliyadda Bisha iyo Laanqeyrta Cas in ay ku kooban tahay daryeel aadminnimo oo samafal ah.  In ay dooneyso in dhinacyada dagaallamaya ay dhexdhexaad ka ahaato si ay ugu adeegi karto rayidka, dhaawaca iyo maxbuuska dagaal.  In aanay mas’uuliyaddeeda ka mid ahayn siyaasad, dhexdhexaadin iyo heshiisiin kooxo dagaallamaya toona.

Askariga oo ahaa nin da’ yar intaa kuma harin. Su’aashiisii xigtay ayaa iiga sii yaab badneyd.  Wuxuu igu yiri in aad dhaawaca labada dhinacba daweysaan waxaa ay sii daba dheereyneysaa dagaalka.  Qof dhaawac uga maqnaan lahaa goobta dagaalka ayaad soo daweyneysaan oo ku soo noqonaya faltanka dhib hor leh ayuuna geysan karaa.  Markaa waxaa habboon in aad ka shaqeysaan sidii aan isu af garan lahayn oo aan u heshiin lahayn.  Haddii adnaan taa awoodin in aad naga dhex baxdaan ayaa la qaatay.

Ma ahayn feker aan ka fili karay in uu i weydiiyo askari dable ah oo laga yaabo in Muqdisho ama gobol laga soo qafaalay.  In uu saraakiil igu hor weydiiyana waxay i tustay in aan xaalku ahayn sidii aan militeri ku aqaannay.

Qafaal

Ciidanka ka dagaallamaya Woqooyiga waxaa ku jiray dhallinyaro la soo qafaalay.  Makhaayadaha, waddooyinka iyo goobaha cayaaraha inta ciidan uu gaadmo ku tago ayuu soo ururin jiray wiil kasta oo kuray ah oo qori qaadi kara.

Markaa inta xero ciidan la geeyo, timaha laga xiiro, tababbar gaaban oo sida qoriga loo rido u badan la siiyo oo tuute, qori iyo rasaas farta laga saaro ayaa la geyn jiray goob dagaal.  Xabbadda marka la hor dhigana wuxuu ku khasbanaa in isaga la dilo ama uu is difaaco oo dilo ciidanka horjooga.

Waxaan xusuustaa niman aan is naqaan oo Sucuudiga laga soo tarxiilay oo aan Berbera isku aragnay in maalin ay i geeyeen guriga ay joogeen oo uu lahaa nin sarkaal militeri ah.

Waxaa guriga ka adeegaya wiil aad u yar oo haddiiba uu taban sano gaaray, malahayga, aan laba ama saddex sano ka badani ula jirin.  Wuxuu ku hadlayaa af-guriga looga hadlo degaannada koofurka qaarkood siiba aagga Balcad iyo Banaadir.

Waxaan sarkaalka weydiiyay wiilkan yari reer Berbera ma ahan ee sidee halkaan ku yimid?  Wuxuu ii sheegay sarkaalku in wiilka la soo qafaalay oo uu ka mid ahaa ciidan isaga loo keenay in uu dagaal geliyo.

Laakiin, ayuu yiri,  markii aan arkay ninka sidaan u yar waxaan goostay in aanan geyn goob dagaal. Waxaan ku soo daray ciidanka ilaalada ah ee aniga ila shaqeeya, laakiin adeegyada yaryar ayaan u dirsadaa.

Waxaan weydiiyay sababta uu dib ugu celin waayay meeshii laga keenay.  Wuxuu ku jawaabay in uu ka baqayo in mar kale dib loo soo qafaalo oo goobta dagaalka la geeyo.

Sarkaalkaas waxaan beri dambe ka warhelay in isaga lagu dilay dagaalka.

Iskuul La’aan

Magaalada hal iskuul kama furna.  Inkasta oo sannad dugsiyeed lagu jiro haddana iskuul ma furna.

Nin akhyaar ah oo aanan hadda magaciisa xusuusan ayaa dhallinyarada da’ ahaan Dugsi Sare ahaan lahayd af Ingiriis u dhiga.  Waxaan u maleynayaa in ay ahaayeen laba fasal.  Wuxuu ku dhigaa qol ka mid ah dhisme Iskuul ahaan jiray.

Maalin ayaan soo arkay isaga oo wax dhigaya.  Aad ayaan ugu bogay garashadiisa, is xilqaankiisa, hagar la’aanta uu casharka u bixinayo iyo waalidnimada iyo baarrinnimada qabku ka maqan yahay ee uu carruurta ula dhaqmayo.  Waxaa haddana i tabaatay sida uu keligii u yahay, una yahay agab la’aan. Sida maamule, macallimiin kale iyo shaqaale Iskuul ay kaalintoodu u maqan tahay.

Maalmo ka dib ayaan ku laabtay.  Waxaan wada soconnaa gabar aan wada shaqeyno oo Swiss ah.   Ardaydii ayaan kala hadalnay howsha Laanqeyrta iyo Bisha Cas.  Waxaan kala hadalnay xeerarka dagaalka.  Waxaan u daaray filim ku saabsan Laan Qeyrta Cas oo af Ingiriis ku hadlaya.  Waxaan u qeybinnay buugaag iyo waraaqo inta badan af Ingiriis ku qoran qaarna aan anigu Soomaaliyeeyay oo ku saabsan muwduucyada aan kala hadalnay.

Ayaan dambe ayaan ku soo laabtay oo waxaan u qeybiyay bugaagta wax lagu qorto iyo qalmaan.

Waxaan ahaa nin dhallinyaro ah oo firfirconi iyo isku kalsoonaan badan ku shaqeeya laakiin aan waayo arag ahayn oo ay dunidu la fudud tahay.  Wax kasta waan isku qaadi jiray aniga oo mooda in aan ka lib keeni karo.  Buugga Saaxiibbo Kasbo oo an akhrisay tobaneeyo sano ka hor ayaan ku dhaqmaa.   In badanna waa ay ii shaqeysay.

Waxaan u qabay in qof kastaa uu wanaag rabo.  Kii markaas ka dhacsanna in la tusi karo wanaagga.

Uma haysan in ay dhici karto in wax macquul ah aan qof ka dhaadhicin kari waayayo.  Wax kasta oo wanaag ah in dadku isla fahmi karo ayaan u heystay.

 

Weli waan u haystaa, laakiin khibradda ayaa i bartay in mar kasta iyo meel kasta aanay taasi ka shaqeyn.

Iskuulka Berbera waxaan aamminay in macallimiin uun loo waayay.  Macallin ka shaqeyn kara magaalo shidan maxaa keenaya Berbera? Ayaan is weydiiyay.

Waxaan ka fekeray in aan is biirsanno oo annaga oo dhowr ah aan ardayda Berbera Iskuul u furno.  Waxaan talada ka qeyb geliyay dad kala duwan oo Xamar iyo Berbera jooga.  Waxaan damcay iyada oo mutaddawacnimo ah oo aan aniga lacagi iiga bixin in aan macallimiin u helno afarta fasal ee kala sarreeya ee dugsiga Sare.

Qorshaheygu wuxuu ahaa marka aan Dugsiga Sare saldhig u yeelno, in aan furno fasal kasta. In ardayda Dugsiga Sare kuwooda ugu fiican aan Macallimiin uga dhigno Dugsiga Dhexe iyo kan Hoose.

Waxaan mid mid u raadiyay macallimiintii ka dhigi lahayd Dugsiga Sare maaddo kasta oo lagu qaato.  Ina abtigeey oo ahaa Jaamici Kulliyadda Macallimiinta ka soo baxay,  Xisaabta iyo saddexda maaddo ee sayniska ah ee lagu dhigo Dugsiga Sare aad uga wanaagsan ayaa iga aqbalay in uu Berbera ii raaco.  Wuxuu aqbalay in uu diyaar u yahay in uu mutaddawacnimo ku tago Berbera. Wuxuu ii sheegay in haddii loo diyaariyo meel uu seexdo iyo wax uu cuno uu aqoontiisa ugu deeqi doono ardayda.

Waxaan doonayay in aan dhowr maaddo aniga lafteydu dhigo.  Shaqada Qaranka markii aan ahaa, Xisaab, Kimisteri iyo Ingiriis intaba waxaan ka dhigay Dugsiyada Sare ee Sakhaawaddiin iyo General Daud.  Haddii aan is diyaariyana mar kale waan dhigi karaa.

Aniga oo weli ku jira xulidda macallimiin Dugsi Sare oo aan Muqdisho iyo Berbera labadaba ka raadinayo ayaa qof howsha dhinac uga jiray uu isaga oo aan i wargelin wuxuu arrinkii hor dhigay mas’uul sare oo Wasaaradda Waxbarashada ah, kaas oo jawaabtiisu ay noqotay “Suurta-gal ma aha”.

Sida uu saaxiibkeey yeelay ma ahayn dariiqii aan is lahaa aad u martid oggolaashada Wasaaradda Waxbarashada.  Laakiin mar haddii MAYA la ii soo qaaday, waxaa khasab ah in aan dib u dego, oo aan aqbalo in aan hungoobay.

Markaas uun ayaan billaabay in aan dib isugu noqdo oo aan u qaatay in ay dhici karto in aan faraha kula jiro howlo aanan fahamsaneyn.  In ‘waa macquul’ oo keliya aanay ku filleyn in woqooyiga ra’yi laga rogo waxqabad xataa haddii uu yahay mid dadka iyo dalka u dan ah

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1