Haldoornews.com
Agaasimaha Guud ee Madaxtoyadda:- Hambalyo iyo Bogaadin…W/Q:- Kamaal Sh Ismail Adem
February 24, 2018 - Written by admin

received_850614878454265

Madaxwaynaha qaranka somaliland mudane muse biix cabdi wuxuu agaasimaha madaxtoyada uu u magacaabay masuulkii ku haboona waxaanad u xulatay masuul u qalma booska ama jagada agasimenimo.
waxaa hubaal ah in ninkaasi uu kaso bixi karo hawsha baaxada leh ee ka dhacaysa qasriga dhexdiisa.
Booskan uu madaxwaynuhu uu u igmaday maxamed cali bile ayaa mar walba u bahan in uu noqdo qof leh aqoon iyo waayo aragnimo xeel dheer, maadama lala kulmayo wafuud heer caalima ah.
Mudane madaxwayne xilka aad u igmatay maxamed ali bile waan kugu taageersanahay waanan kugu bogaadinayna.

Waa kuma maxamed cali bile ?
waa muwadin reer somaliland ah waa shaqsi aqoonyahan ah oo qiimo iyo qadarin ku dhex leh bulshada reer somaliland.
maxamed cali bile wuxuu leeyahay aqoon, waayo-aragnimo, karti iyo dadaal
Dheeri ah.
Wuxuu kasoo shaqeeyey dalal badan oo calamka ka mid ah, Waa masuul kusoo bixi kara xilkaa culus ee uu madaxwayne muuse bixi cabdi uu u doortay ee ah in uu noqdo agasimaha guud ee madaxtoyada, waan hubaa in wax wayn uu ugu tari doono dalka aqoontiisa iyo hibooyinkiisa gaarka ah ee uu alle siiyey.
Maxamed cali bile wuxuu ka mid yahay tiirarka iyo rukunada uu ku taagan yahay xisbiga xaakimka kulmiye wuxuuna mudadii koobnayd ee uu ku jiray xisbiga kulmiye uu kusoo kordhiyey wax muuqda oo la taaban karo, wuxu ka mid ah ahaa ragii wax ka qoraybbarnaamij siyaasadedka xisbiga kulmiye.
Mufakir maxamed waa nin aftahan ah lehna balaaqo uu qof iyo qaranba ay isku fahmi karaan.
aqoon yahan bile waa nin kasoo bixi kara masuliyada dhabarka loo saaray oo aan looga baqayn in uu ku hafto ama kasoo bixi kari waayo.
Hambalyo iyo bogaadin ayaan hawada u marinayaa aqoon-yahan maxamed cali bile, waxaan leeyahay illahay ha u fududeeyo xilka qaran ee aad qabatay.
W/Q:- Kamaal Sh Ismail

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka