Haldoornews.com
Madaxwayne Muuse Biixi Ma Xakamayn Kari Waayay Musuqmaasuqa Maayarrada Beeshiisa ee Ku Takri Falay Hantidii Umadda?.
February 20, 2018 - Written by admin

maayarada hargeisa iyo gabiley iyo muuse
Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Waa Madaxwaynihii Shanaad ee Somaliland, Waa Hogaamiye Waayo arag ah oo Dalka iyo Dadkaba si Wacan uyaqaana, Waa Madaxwayne Doorasho Ku yimi sidii labadii Madaxwayne ee Isaga ka Horeeyey, Waa Madaxwayne Ku soo Beegmay Wakhti Adag oo Dalku Dalcad Adag Saaranyahay Noloshuna Danyartuna Cidhiidhi tahay, iyada oo ay Naafeeyeen Abaaro Ba,an oo Soo Noqnoqday, Sixir barar, Xadhkaha Goosatay, Qabyaalad Qaawan, iyo Sharci Darro Baahsan.
Waxyaabihii lagu Doortay ayay Ka mid ahayd Go,aan Qaadashada, Ku Dhaca iyo Dhiiranaanta Shaqsi ahaan Lagu Yaqaanay Muuse Biixi intii uu Dibada ka Joogay Aqalka Madaxtooyada, in Kasta oo ay Koobantahay Muddada uu Xilka Qaranka Hayey haddana Waxaa Soo Baxaya Xagal Daac iyo Cabashooyin soo Noqnoqaya oo Bulsho-ada Somaliland sida Fiinta uga qaylinayaan Maayarada Hargeisa iyo Gabiley oo Dhalasho ahaan Kasoo Wada Jeeda Qoyskiisa (jufadiisa)
Baabacada Sacab Laguma Qarin karo, Bulshada Somaliland-na Daah kama Saarna, Musuqmaasuqa, Cadaalada Darrada iyo Hanti Boobka ay Ku Hayaan Dalka, Labada Maayar ee Hargeisa C/raxmaan Soltelco iyo Maayar Maxamed-Amiin Cumar Dheere oo Hanti Dhawrka Guud si Badheedh ah uga Gaabsaday Musuqmaasuqii uu Ku Qabtay, oo Bulshadu Si wayn ugu Baraarugsantahay, Xildhibaanada Golayaasha Deegaankuna Si Wayn uga Hadleen, Dhawr jeerna Baaqyo Kala Duwan loo Diray Madaxwaynah, Arimahaasi oo Bulsho waynta Somaliland u Arkaan in Reernimo Loogu Tanaasulayo, looguna Naasnuujinayo Dhiiga Shacabka Masaakiinta ah,
Labada Masuul ayaa Bilihii ugu Danbeeyey Xidhay, Suxufiyiin iyo Shaqsiyaad ka Damqaday Dulmiga iyo Dulinimada ay ku Dhaqmayaan oo aan loo Dulqaadan Karin.
Dabacsabaanta, Danayn la,aanta Cabashada Dadwayaha ee Madaxwayne Muuse Biixi isdhaafinayo ayaa Loo Fasiran karaa in Uu Raali kala Yahay in Masuuliyiinta Beeshiisu Ku Takrifalaan Hantida Umadda, Danyartana ku Tacadiyan inta uu Xilka Hayo.
Madaxwayne Muuse Biixi Markii uu Mucaaridka ah Waxa uu Si Wayn ugu Dhaliili Jiray Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin Xakamayta Qoyskiisa, Gaar ahaan Markii la isku Haystay Deegaanka Ceelbardaale, Sidoo kale waxa uu Dhawr jeer ka Dhawaajiyay Wakhtigii Ololaha in uu Noqon Doono Hogaamiye Dabar Gooya Musuqmaasuqa, Dadkuna u Simanyahay.
Cabashooyinkan Soo Noqnoqaya ayaa Xujo iyo Halxidhaale ku ah Hogaaminta Muuse Biixi Cabdi inta uu Amaanada umadda Hayo, Waxaanay Bulshada Somaliland ka Dhursugaysaa Sida uu isku Waafajiyo Qowlkiisa iyo Ficiladiisa iyo Talaabooyinka uu ka Qaado Xakamaynta Siyaasiyinta Beeshiisa.

Haldoornews Staff Writter
Berlin/Germany
Haldoornews@hotmail.com

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka