“Waari-Mayside War Hakaa Hadho, Farah Macalin Waxa U Roon Inuu Soomaalida Kenya Ku Dhibaataysan Uu U Doodo….!” Dr. Moha | Haldoor News
Haldoornews.com
“Waari-Mayside War Hakaa Hadho, Farah Macalin Waxa U Roon Inuu Soomaalida Kenya Ku Dhibaataysan Uu U Doodo….!” Dr. Moha
February 16, 2018 - Written by admin

Moha-Dahir-Farah-Jire-768x1024Dr. Moha Farah Jire ayaa si kulul ugu jawaabtey Mudane Farah Macalin oo todobaadkan ka Hadley sida fiican ee loogu soo dhaweeyey Ethiopia Qalbi Dhagax muujiyayna inuu ka xumaaday soo dhawaynta ay Ethiopia soo dhawaysay!
Dr Moha Farah Waa falanqeeyey ku takhasustey arimaha Geeska Afrika , waa Xeel dheere falanqaysa, ka faaloota arrimaha Diplomasiyada, Siyaasada iyo Amniga ee Geeska Waxay ku tilmaantay Mudane. Faarax Macalin nin aan iska xil saarin sumcada iyo karaamada ay ku dhex lahaan lahaayeen Qoomiyada Somalidu Geeska Afrika, iyadoo ku tilmaantey inuu ka shaqeeyo sidii uu u sii kala fogeyn lahaa dowladaha iyo shucuubta wanaagsan ee Somalida ,isagoo marba shaadh u soo huwada , waxay xustey inuu ku caan baxay taageerida Qabiilka uu ka soo jeedo laakin inay kala han-weyneyd inuu isku koobo kala daadinta Qabaa’il ka iyo Dowladaha Geeska waxay tiri sidan hoos ku qoran:
“Dr. Moha F. Jire Waxa yaab iyo fajac ah in masuul sare oo siyaasi sheeganaya hadana shaadhka qabiil aanu ka korin oo maalin iyo habeen u hadlo sidii qabqable qabiil iyo hogaamiye qabiil, isagoo awooda in uu umadaha wax la qaybsado, magaca dadka uu guudahaan matalana kor u qaada, oo lagu ixtiraamo talaabooyinka uu isagu ka noqdo horseed, waa ayaan-daro in Faraax Macalin oo mar gudoomiye kuxigeen ka noqdey Baarlamaanka Kenya uu ku koobnaado uu dhaafina waayaan indhahiisu kaliya qabiilka uu asal ahaan ka soo jeedo oo uu goob welba kaga hadlo, isagoo haba u doodee waxba aan u tarin ,inuu karkaarka waydaariyo oo hagardaamo siyaasadeed, mid goboleed iyo mid qaranba u soo hooyo mooyiye!
Mudane Faarax Macalin waxaan ku caqliyaystey isagoo u dooda kooxdii argigixada ahayd ee Al-shabab oo uu odhanayay hala taageero magaca Somali anagoo ilaalinayna! Hadana waxaan kula kulmey Barlamaan Koonfur Africa isagoo leh ninkii ugu xumaa qaarada ayaa dhintey oo Meles Zenawi sheegaya, hadana waxaan arkaynaa isagoo leh Ethiopia maxay u soo dhawaysay ,una xidhi waydey Qalbi Dhagax oo aad Somalidu ugu cabsanaysay in Ethiopia lagu marsiin doono ciqaabtii uu ka mutaysay dowladiisa Ethiopia!
Hadaba waa amakaag e ma inuu farxo oo u duceeyo ayay ahayd in aan la ciqaabin mise inuu Farax Macalin ku eedeeyo oo yidhaah” Eega lama xidhin,waa la daaweeyey, wana la soo dhaweeyey ninkii Qalbi Dhagax e” taasi waxay bayaaminaysaa inuu lahaa Ajande qarsoon oo dadka uu ku nacsiinayo dawlada Ethiopia isagoo lagu tiriyo inuu laaluushayo ka qaatey dad neceb dalalka dariska oo aan markii hore rumeysan kari wayay inay ka suurtowdo Xildhibaan Farax Macalin inuu arintaasi ku kacayo, laakin hada qaylada ka soo yeedhey ayaa ka marag ah wixii la sheegayay oo fasir uma baahna.
Waxa an rabaa in ay fahanto Somali meel ay joogtaba danta umad weliba waxay ku jirtaa inay dowladeeda u hogaansanaato,, qawaaniinteeda dhowrto si loogu aayo aayatiinka ilmahaga ilmahiisa, Nabad baa Naas la Nuugo leh…… Madaxweynaha dawlada deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Kililka 5aad Abdi Maxamoud Cumar oo ah nin firfircoon aadna ugu daalay sidii uu soo hoyn lahaa walaalaha naga lumey ee duur-joogta noqoteyna waxaan leeyahay Alle hakugu guuleeyo dedaalka aad ku jirto e hore u soco , taariikhda ayaa qori nin weliba waxa uu falay ee hore u soco Sidaas ayay ku tidhii” Dr Moha Farah Jire war saxaafadeedkeedii ayay kaga jawaabtey Farax Macalin

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka