C/maalik Coldoon oo Jawaab Waafiya Ka Bixiyey Riyadii Somaliwayn ee Naciimo Qorane u Ooyeysay iyo Cidda ku Shaqaysata Magaca Somalinimo. | Haldoor News
Haldoornews.com
C/maalik Coldoon oo Jawaab Waafiya Ka Bixiyey Riyadii Somaliwayn ee Naciimo Qorane u Ooyeysay iyo Cidda ku Shaqaysata Magaca Somalinimo.
February 1, 2018 - Written by admin

coldonMa ogtahay Naciimaay ,in ay soomaalinimadu meelo badan joogtao, Magaladaada ayey taalaa meel kale adiga oo aan ka raadin , Burco Soomaalinimadu waxa ay kaaga soo uraysaa hooyadaa dhulka fadhida oo khudaarta iibinaysa , riyoraacdu marka riyaha galabtii ku soo celinayso magaalada , odaygaa sii carraabaya ee raashinkiisa gaadhiga saaran dusha kaga fadhiya ee ku sii socda qoyskiisii miyiga , Soomaalinimada waxa aad ka dhex arkaysaa indhaha maamulaha dugsiga jamaal cabdinaasir bare Cali-xaaris, iyo caruurta yaryar ee sakadaha Burco is’eryaneysa , Soomaalinimo nool oo lugaynaysa waa hadraawi oo Burco kula jooga .
Ma ogtahay naciimaay , in ay soomaali wax kala tirsanayso , oo aan wali la’isu garaabin , oo ay midnimadoodii iyo dawladnimadoodii ku burburtay dulmi ay badhkood badhka kale ka galeen.ka hor intaas oo dhan sidee bay suuragal ku noqonaysaa in midnimada laga horaysiiyo waxkasta oo la yidhaado midnimadu wa muqaddas? Dhinaca kalena waxa aynu doonaynaa in aanu dulmigii soo noqon , Waana cadaalad darro in adigana lagu xidho , kuwo kale oo la ogyahay oo xilal ka hayaa muqdisho oo reer Somaliland ahina tagaan oo yimaadaan! indhahana laga qarsado, taana waanu diidanahay, oo waxa aanu leenahay wixii hore looga cawday yaan la soo celin. Markaa waa in aynu Madaxweyne Muuse biixi ka raadinaa cadaaladaa iyo kuwo kale oo badan inta aynaan ka doonin madaxweyne Farmaajo.
Ma ogtahay naciimaay , in kooxaha islaamka aha ee soomaalida ahi qaarkood xabadjoojina ( heshiis xaalad-dejin, lama dagaalamaan ahi ) ka dhexeeyo iyaga iyo itoobiya iyo xoogag badan oo caalamka ka mid ah , miyaad aragtay xubin ka mid ah kooxahaas oo eray ka dhan ah itoobiya fagaare ka jeedinya ? madaxda siyaasaduna waa sidaa si la mid ah, uma diidani heshiiskooda , dan bay sidaa u arkeen markii ay wax rogrogeen laakiin maxaa aniga kaliya cidlada ii saaray , kuwii aan laahaa waa halis ee ha la’iska jiro loola saaxiibayaa ? Maxaan halis ugu jiraa iminka , Qaar aan ogahay,waxa ay igu doonayaan nolo iyo geeri mid un,waxaana sabab u ah qofka marka aad xanuujisid inta uu damqado ayuu ka falcelinayaa oo lama yaabani, laakiin waxa isweydiin leh yey ka go’antahay?!
Ma ogtahay naciimaay , barta aad ka soo jeedaa in ay ku noolyihiin malaayin qof , oo isugu jira , culimo , madax-dhaqameed, siyaasiin, aqoonyahan, waxgarad, haween dhalinyaro iyo qaaar kale oo badan , oo ay intaasiba mudanyihiin in wax laga waydiiyo masiirkooda iyo aayo ka tashigooda .
Ma ogtahay in aanu xadhigeenu ahayn xal ,ma aha wax aynu inaguna doonayno ma aha , Free coldoon , Free Nimcaan iyo Naciima kujirimayno waligeen , kamana maarano Ku noolaanshaha Burco , Boorama iyo Hargeysa , iskamana dayrinayno dadkeenii baa jooga , Kuwa in xidhaya aynu halkaa kula hadlo inaga oo aan meel u bixin , aynu la doodno , aynu isku dayno bal in aynu is fahano, iska hor imaada joogata ahi dawo ma aha. Waxa la inaga aaminsanyahay in aynu wiiqayno jiritaankooda,dafirsanahay xaqooda ,burburinayo waxa ay dhisteen,aan oo u ogaleyn riyadooda , bal sidaas baa jirtee oo la inaga qabaayee ma kula tahay in aynu la fadhiisano, wada sheekaysano , illeen waad ogtahay in aynaan u socon caqlina aanay ahayn magaalana aas magaalano dhis.
Ma ogtahay Naciimaay in aan kaa dhigtay halqabsi oo aan magacaaga ku halqabsanyo aniga oo meel kale haybinaya ,waan ogahay in aad ila fahmaysid adigu iyo in badani maadaama oo aad hal-abuurad iyo ina abwaanad tahay, waan la socdaa hawshaadu halka ay marayso , waxa aanu wada xidhiidhnaa qareenkaaga , waxa aan ku rajawaynahay in aad soo baxdid walaashayeey.
Ma ogtahay Naciimaay hal hees baa la doonayaa in la qaado oo dadka qaar waxa aad wadaniyad , soomaaliyad iyo halyeyad u tahay inta ay kaa dhex arkayaan waxa ay iyagu doonayaan, maalinta aad ku dhawaaqdid wax ay dhibsanayaan oo jira , maalintaas waxa aad noqonaysaa khaa’inad, qabyaaladaysato iyo wax la mid ah , qof kastaaba wax buu ilaashanayaa oo ugu dayran khad cas, waxa uu guulwade u yahay qabiil,dawalad meel ka jirta iyo qof aan xaggiisa laga soo marin , hadii aad intaa uu ilaashanayo ka taabtid soomaalinimadii waad ka baxday.
Nabadgalyo Naciima
C/maalik Sh.Muuse coldoon

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka