Waa Heerkee Aqoonta iyo iyo Waayo aragnimada Wasiirka Isgaadhsiinta Iyo Technolagyada Somaliland – Dr Abdi-Weli Sh,Abdilahi Suafi JIbril- | Haldoor News
Haldoornews.com
Waa Heerkee Aqoonta iyo iyo Waayo aragnimada Wasiirka Isgaadhsiinta Iyo Technolagyada Somaliland – Dr Abdi-Weli Sh,Abdilahi Suafi JIbril-
January 14, 2018 - Written by admin

Waa Heerkee Aqoonta iyo iyo Waayo aragnimada Wasiirka Isgaadhsiinta Iyo Technolagyada Somaliland -Dr Abdi-Weli Sh,Abdilahi Suafi JIbr

FB_IMG_1515905933842masuulkani waxa uu kamid yahay wasiirada madaxweyne biixi u igmaday xilka maamul ee wasarada isgaadhsiinta iyo technolayada somaliland isla markana waxa uu ka mid ahaa hormadii u horaysay ee saaka hor tegtay aqalka golaha wakiilada somaliland si kalsoonida shacabka loogu boqro hadii uu mudan yahay misana yahay masuul shaqada madaxweynaha qaranku u igmaday ku haboon

wasiirka Isgaadhsiinta iyo Technologyada Dr: Abdiwali Soufi waxa uu aqoonta ka gaadhay darajada PHD waxa uu ku takhasusay cilmiga international communication technology ICT-ga oo uu marar badan ahaa bare ka hawl gala jamacadaha waxa uu maanata la hor yimi golaha barnaamij aad usoo jiidatay xidhibaanadii iyo dadkii golaha joogay, wuxuu la yimid qorshe wanaagsan oo uu doonayo inuu ku soo kordhiyo Somaliland oo dhigan doorka wasaaradiisa looga baahan yahay misana uu ahaa masuul wasiiradii kale kaga duwanaa soo jeedin qaabaysaysan qurux badan oo qaab qoraal aragti fog isla markaana hami iyo hiraal fog la kor yeelay ay ka muuqanaysay warqadii uu ka soo jeedinayay oo iyana ahayd mid uu u soo hub qaaday qoraal tolmoon maskax iyo miyir degana la dul dhigay iyada oo ay taasi ka turjumayso bisaylkiisa aqooneed iyo xirfadiisa guunka ah ee uu u leeyahay isgaadhsiinta iyo xidhiidhka caalamiga ah isaga oo aad is odhanaysay waxa uu soo geliyay wakhti dheer iyo fikir horumarnineed si uu bulshada iyo qarankaba ugu qanciyo mihiimada ay wasaaradisu leedahay iyo waxa ay kaga duwan tahay wasaradaha kale
isaga oo soo daraaseeyay isla markaana soo bandhigay ikhtiraacyadooda wadamada horumaray isla markaana ka abuuray dakhli dhaqaale oo wax ku ool ah isaga oo tusaale u soo qaatay wadamada dedaalka dheer ka galay kana horumaray dhanka isgaadhsinta wadamada Neigeria Rwanda iyo Kenya oo uu tusaale usoo qaaday heerka ka gaadheen dunida casriga ah isla markana waxa uu barbar dhigay waddankeena somaliland inuu ahaado wadan leh dhanka isgaadhsiinta fure iyo bar bilaw u gaar ah misana laga horumaro dhanka casriga iyo isgaadhsiinta oo ay dunidu maanta mihiimad gaar ah siisay aqoonteeda isaga oo shegay in cashuur ururinta iyo maal gashigaba hadii la horumariyo ay sahlayso kor uqaadida iyo horumarinta ICT
.
Waxa kale oo uu golaha ka hor iftiimiyay arrimo muhiim ah oo wasaaraddiisu bilaabi doonto, isaga oo u muuqday masuul fikir dheer iyo ka haysta khibrad gaar ah shaqada uu qaranka doonaayo inuu u qabto misana yahay siyaasi saaxada siyaasada ku cusub waana markii u horaysay ee uu goob fagaare ah ka jeediyo tan iyo intii uu ahaa wasiirka isgaadhsinta iyo technologyada somaliland si kastaba ha ahaatee waa wasiir wasiiradii maanta ka soo dhex mudh yidhi ka dib faalo iyo falan qayn bulshadu dul saaratay masuuliyiintii maanta golaha hortagay waxaanu noqday masuul aad loola dhacay barnamijkiisa waxqabad iyo wax kja bedel ee wasarada uu masuulk ka yahay isaga oo sheegay in maalgalinta u badan ka iman doonto technology, waxa uu balanqaaday inuu qorshaha ku darsaday inay jaamacaduhu soo saaraan aqoonyahan suuqu baahi u qabo qarankana ka caawiya arimaha dunida casriga ah khuseeya oo uu ka mid yahay ICT….

ugu danbayn waxa uu goluhu qalinka ku duugay inuu Dr cabdi weli yahay masuul kii ugu haboonaa ee uu madaxweynaha qaranku u igmaday shaqada wasaarada isgaadhsiinta iyo technologyada …….

QALINKINKII :waacabdiraxman tukale

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka