Haldoornews.com
Muuse Biixi Iyo Joseph Stalin Waa Isku Nidaam Hanaanka Ilaalinta Danta Guud, Marka Laga Reebo Dilkii Shacabka Ee Stalin Geystay.
January 12, 2018 - Written by admin

DabkaJoseph Stalin waxa uu xukumayay Midowga Soofiyatka muddo ka badan 20 sanno.
Waxa uu dhashay bishii Diisember 18, 1879. Mar ayaa uu kicitimay qabashada xilka
Xoghayah guud ee Xisbiga dadweynaha, isaga oo noqonaya kaligii taliyihii Soofiyatka ee
lagu eedeeyo dilkii saaxiibkiis Vladimir Lenin. Ninkan Stalin waxa lagu qasbay in uu
sameeyo warshadeyn degdeg ah, iyo ururintii danta guud ee dhul beereedka ahaa,
arrinkani waxa ay dhalisay dhimashada malaayiin dad ah iyada oo qaar kalena loo
dirayo xeryaha qaxoontiga ee dalka ku yaalay, arrinka isaguna cajiibka ahaa waxa uu
yahay waxa uu lahaa ciidamo duub cas ah kuwaas oo ka caawiyay jebintii Jarmalka ee
dagaal weynihii Labbaad ee dunnida.
Sannadkii 1922-kii, Stalin waxa loo magacaabay xafiiska xoghayaha guud ee xisbiga,
inkasta oo aanay jirin meel rasmi oo xafiisku dego, haddana waxa la siiyay xakameynta
dhammaan ballamaha xubnaha xisbiga oo dhan. Waxa uu qaabeeyay hanaankii
ballamaha ee xisbiga dhexdiisa isaga oo sameystay awoodo gaar ah. 1924-kii markii uu
dhintay saaxiibkii Lenin waxa uu ku taliyay in uu burburiyo dhammaan
hoggaamiyayaashii hore ee xisbiga, si uu si buuxda u maamulo meesha. Waxa uu
sameeyay qaab lagu kala xadeynayo nidaamka danbiyada ay muwaadiniintu galaan,
qaar badan ayaa lagu xukumay in ay dibedda joogaan oo dalka loo diiday.
Dabayaaqadii 1920- ilaa 1930-kii, Stalin dib u xayiray dhammaan dhulkii la siiyay
beeralayda iyo beer-wadareedyadii sharcidarrada ahaa. Sidoo kale Stelin waxa uu ku
dhaqaaqay tallaaboiyin degdeg ah oo hore loogu guulaystay dhinacii arrimaha soo
celinta danta guud ee ay boobeen dawladihii ka horreeyay. Stalin waxa uu ahaa nin
qunyar socod ah, hadal hayn badan oo dhanka siyaasadda ahna laguma aqoon,
deggenaantuna waa astaanta ka caawisay soo ifbixiisii siyaasaddeed ee uu kaga
takhalusay rag badan oo geyyaankiisa ahaa.
Sannadkii 1939-kii, Stalin waxa uu sameeyay qaab aad u qurux badan, waxa uu
saxeeyay heshiisyo aan kala go’ lahayn kaasi oo uu la yeeshay Hoggaamihiyihii Hitler
iyo Nazi Germany. Inakastoo uu caan ku ahaa guulilihii uu ka gaadhay dagaal weynihii
Labbaad ee adduunka, Stalin waxa bilaabay in uu sii xumaada horraantii 1950-kii.
Kadib markii la ogaaday in uu dil geystay, waxa uu amar ku siiyay Madaxa bileyska
qarsoodiga ah in uu nadiifiyo xisbiga. Si kastaba ha ahaatee, bishii March, 1953-kii ayaa
uu geeriyooday Stalin waxa uu ka tagay dhaxal aad u foolxumaaday.
Xikmadaha aadka u layaabka badan ee lagu xasuusto Stalin waxa ka mid ah
“Dhimashada Hal Nin waa masiibo, dhimashada Malaayiinna waa tirikoob “ iyo

”Anigu Qofna ma aamino xattaa aniga qudheyda”. Haddaba muhiimadu aynnu u soo
qaadanay qodaalkan waxa ay tahay in la ilaaliyo danta guud waayo waa astaan
gobbonimo oo inoo guul keeni karta, sifo kasta oo sharci darro ahna in lala dagaalamaa
waa dun wanaagsan oo lagu kala horreeyo, ilaalinta danta guud waa meelaha kobaca
dhaqan dhaqaale ee bulshadu ka horimarto guud ahaanna noqta meelaha gaarka ah ee
bulshadu leedahay ee lagu wada faakihaysto.

Muxiyodiin C/raxmaan Xasan
Bachelor Of Biomedical And Medical Lab Science
Hargeysa Soomaalilaan
2018

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka