Reer Sheekh Isaxaaqow: Masaajidkii Aabbihiin Loogu Magac-Daray Sannad Ayuu Xidhan Yahay? | Haldoor News
Haldoornews.com
Reer Sheekh Isaxaaqow: Masaajidkii Aabbihiin Loogu Magac-Daray Sannad Ayuu Xidhan Yahay?
December 23, 2017 - Written by admin

FB_IMG_1514024641776Ku dhawaad sannad gaw ayaa ka soo wareegtay markii aan tegay magaalada Berbera 19kii illaa 22kii Disember 2016ka, aniga oo u socday hawlo gaar ah. Waxa dharaarahaas magaalada ka socday muran u dhexeeya Jamaacada Timaweynta oo masuul ka ahayd Masaajidka Sheekh Isaxaaq iyo qoyska reer Xaaji Yuusuf Iimaan oo rabay in masuuliyadda masaajidka aabbahood dhisay lagu wareejiyo Tabliiqiyiinta. Khilaafkani waxa uu curtay markii ay Maareyayaashii Dekedda Berbera Eng Cali Xoorxoor iyo Axmed Yuusuf Dirir dayac-tir ku sameeyeen Masaajidka

Xarunta Dawladda Hoose ee Berbera waxa labada dhinac kula kulmay masuuliyiin ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Badhasaabka Gobolka Saaxil, Isu duwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Gobolka Saaxil iyo Taliyihii Qaybta Booliska ee Saaxil. Ugu dambayntiina waxa loo saaray guddi si madax bannaan uga garnaqda xukunka Masaajidka Sheekh Isaxaaq.

Waxa la go’aamiyay in furaha lagu wareejiyo qoyska reer Xaaji Yuusuf Iimaan oo aabbahood dhisay masaajidka. Waxa se ku gacan-saydhay Tima-weynta oo isaga yimi Gobollada dalka, isla markaasna naadiyay in ay dagaal ka xigaan masaajidka. Xilliyada qaarkoodna waxa ciidan la dhoobay dibadda masaajidka si aan gacan-ka-hadal u dhicin.

Muranka waxa sii xoojiyay bulshada/beelaha reer Saaxil oo kala saftay labada dhinac. Loollanka u weyn waxa aan ka arkayay beelaha Saaxil ugu badan. Waa kuwee? Mooyi, eeg xildhibaannadii Golaha Wakiillada ee ka soo baxay gobolkaas 2005ta?. Iyada oo ay xummadda doorashadu socoto isla markaana laba xisbi lala kala socday, waxa aan arkayay in xitaa diintii la isugu soo dhuuntay. Qolo kastaaba dhinaca ay la socoto ayay xaq u arkaysay. Dhinaca kalena waxa ay ku sheegayeen bidco, baaddil, booli-quute iyo wax sunnaha baalmarsan. Is-maandhaafkaasi waxa uu sababay in illaa maanta uu xidhnaado Masaajidka Sheekh Isaxaaq oo ku yaalla faras-magaalaha Berbera.

Dhawaan ayuu saaxiib jooga magaalada Berbera Cabdirisaaq Ibraahim ii sheegay in sidii masaajidku u xayiran yahay. Waa gu’ buure ah! In aan warkaas dhiillada leh idiin soo gudbiyana waa ay ila noqotay. Murugadiisa waan ka gami waayay kkkk. Waa ay fiican tahay in nabadgelyada la dhawraa, laakiin waxa aan ka xumahay in uu xidhnaado Masaajid Alle dartii loo dhisay. Kollayna qofkii ku tabarucay dhulka iyo dhismihiisa ajarku waa uu socdaa.

Inkasta oo masaajidda loogu magac-daro asxaabtii, waa aan soo dhaweeyaa kuwa loogu magac-daro Culimada Soomaaliyeed? Waayo? Immisa Masaajid oo Ilaahay ha ka raalli ahaado’e Cumar Binu Khaddaab ama Cismaan Binu Cafaan la yidhaahdo ayaa carro-edeg ka furan?. Miyaanay ahayn in mid, laba iyo intii la helaba aynu ku xusno awyada dalkeenna iyo dadkeenna?

Walaw uu masaajidku yahay goob cibaado oo ka dhexeeya dhammaan ummadda Islaamka ah, waxa aan maanta si gaar ah ula kaftamayaa beelaha dhexe ee Somaliland, oo aan aniguna ka mid ahay. Maadaama oo ay middida daabkeeda hayaan, waxa uu xil ka saaran yahay in ay xal ka gaadhaan Masaajidkaas caanka ah..

Waxa aan leeyahay ”Reer Sheekh Isaxaaqow: Masaajidkii Aabbihiin Loogu Magac-Daray Sannad Ayuu Xidhan Yahay”

 

Siciid Maxamuud gahayr

Ku soo Dhawaw Warbaahinta Haldoornews.com

Nagala soo Xidhiidh 

E-mail: Haldoornews@yahoo.com

Facebook Page:  facebook.com/Haldoornews.com1/

Twitter  https://twitter.com/haldoornews1

COMMENTS
Wararka