Haldoornews.com
Wariye Jimcaale Dayib oo 12 Maalmood Xaqdarro ugu Xidhan Maayarka Gabiley iyo Kiiskiisa oo aan ilaa hadda Maxkamada la Keenin.

Jimcaale (1)Wariye Jimcaale Dayib Cali oo ka mid ah Wariyeyaasha ugu Firfircoon Warbaahinta Somaliland isla markaana ka mid ah Saxafiyiinta Akhlaaqda badan ayaa Xaqdaro Wali Xabsiga Gabiley ugu Xidhan 12 maalmood Xukun la,aan, iyada oo Kiiskiisii aan illaa hadda Maxkamada la keenin.

Maayarka Gabiley oo uu uxidhanyahay ayaa ku Haysta Tuhun aanu illaa hadda keenin Xeer ilaalinta Gobolka si loo Qaado kiiskiisa haddii aan danbi lagu haysana loogu soo Celiyo Xoriyadiisa.

Hogaanka ururka Suxufiyiinta ayaa In muddo ah Daba Socda Xadhiga Wariyaha iyada oo maayarka Gabiley ka Dhaga adaygayo in uu Dariiq Sharci ah u maro Xadhigiisa, isla markaan Si Sharci Darro ah Xabsiga ugu jiro Wariye aan Danbi lagu hayaa jirin.

Aargoosiga, Cabudhinta iyo Cago juglaynta Lagu Hayo Saxafiyiinta Somaliland ayaa Caado u noqotay Xukuumadii Maanta la Sagootiyey ee Madaxwayne Siilaanyo oo lagu Xasuusan Doono inta Wariye ee Si Sharciga Baal marsan Xabsi loo geeyey iyo kuwo ay Maayarada Degmooyinku Xabsiyada ku Haystaan sidii aanay Dalka Dawladi ka jirin.

Madaxwaynaha Cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo in badan ku Celceliyey in Sharciga Dalka loo Sinaan doono ayaa laga Dhursugayaa Talaabooyinka uu ka Qaado Maayirada Dalka ee Hantidii umadda Boogay isla markaana ku Tacadiya Wariyeyaasha soo Tabiya Wararkooda, oo ay Xabsiyada kaga Aargoostaan.

haldoornews@yahoo.com
Hargeisa Somaliland

COMMENTS
Wararka