Haldoornews.com
Maxaad ka Ogtahay Qaabkii Madaxweyne Cigaal Uu U Soo Dhisay Xukumaddiisii 1997-Kii.
December 6, 2017 - Written by admin

????????????????????????????????????????????

Madaxweyne Cigaal wuxuu 24/2/1997 shirweynahii lagu doortay ka balan qaaday in dhismaha xukumadda uu tashi balaadhan ka sameyn doono, si tabashada beelaha qaarkood meesha looga saaro, iyadoo aan laga tegayn in xubnaha xukumaddu ay noqdaan kuwo la soo xulay. Sidaas darteed, wuxuu Cigaal 26/02/1997 warqad u qoray Shirguddoonkii shirka, waxaanu kala tashaday saddex arrimood, kuwaas oo u dhignaa sidan:
1. Iyadoon laga tegayn in dawladdu ay miisaanaato oo layska wada dhex arko gudaheeda, waxaan tallo uga baahnahay intee baa sawirka la gaadhsiinayaa?
2. Waxa dalka wax u tari kara nin cilmi, caqli iyo waayo-aragnimo uu leeyahay wax ku tari kara. Intee baa la siinayaa mudnaanta kartida qofka?
3. Dhexnimo iyo sinnaan loo siman yahay haddii la waayo wadaagii dawladnimo ayaa xumaanaya. Waxaa taas barbar taal hiilkii layskugu hiilinayey baadilka, maxaa ka balan ah ee aan kaga dhiiran karaa?
Jawaabtii shirguddoonku waxay noqotay guddi u saar, sidaas darteed wuxuu isla maalintaas magacaabay guddi 16 xubnood ah oo uu Guddoomiye uga dhigay Madaxweyne ku-xigeenkii lala doortay ee Daahir Rayaale Kaahin. Wuxuu guddidan ka codsaday:
1. Tiro koob ciddii xil wasaaraddeed ama xil agaasime u leh khibrad iyo cilmi ay dalka ugu shaqeeyaan.
2. Inta cadad wasaaraddeed ay idinla tahay inay dabooli karto xilka dawladda cusub laga filanayo inay fuliso.
3. Inta Wasiirku u madax-banaannaanayo karo iyo inta Madaxweynahu kaga talo geli karo xilalkaas.
4. Masuuliyadda maamulka maaliyaddeed ee Wasiirku yeelanayo iyo sida hanta dhawrku ugu ilaalin karo dakhliga iyo kharajka wasaaraddeed.
Intaa wuxuu u raaciyey ‘xilka xulka wasiirada idinku wareejin maayo eeddiisa, laakiin liistada aad ii soo gudbisaan ayaan ku deddaali doonaa in lagala dhex baxo cida Wasiir noqon doonta.’
Dr. Maxamed Siciid Gees oo guddidaas kamid ahaa wuxuu Xusuus-qorkiisa ku qoray ‘Cigaal wuxuu dhisay dawladii ugu aqoonta badnayd ee soo marta Soomaaliland.’ Wuxuu sheegay in ugu yaraan 13 xubnood oo Golahii Wasiiradda ee uu magacaabay ay haysteen shahaadada heerka labaad ee Jaamacadda (Master) ama PHD.
MAXAA KAAGA BAXAY?
Xigasho: Xasan Cabdi Madar, DUCO-QABE: Halgankii iyo Siyaasaddii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Daabacadda Sagaljet, Hargeysa, Somaliland (2016),boggaga 213-216.

COMMENTS
- Haldoornews
- arabsiyo
- Sayruuq
- SL tomorrow
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Gabileynewsonline
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews