Haldoornews.com
Daawo: Salaaddiinta iyo Waxgaradka Beelaha Garxajis oo kulan Taageero ah la qaadatay Madaxweynaha Cusub
December 6, 2017 - Written by admin


Hormoodka, siyaasiyiinta, madax-dhaqameedka, aqoonyahanka, ganacsatada iyo labeenta beelweynta Garxajis, ayaa kulan ballaadhan oo taageero iyo hambalyeyn isugu jira la qaatay madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi.
Waxgaradka beesha oo ay xubno ka yihiin salaadiinta ugu magaca weyn beeshan oo ay kamid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani, suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Aadan Suldaan Faarax, Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey, Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Barre, Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan iyo siyaasiyiin miisaan culus ku leh Somaliland, ayaa madaxweynaha gurigiisa ku booqday maanta, waxana ay si kal iyo laab ah u bogaadiyeen guushii isaga iyo ku-xigeenkiisu kasoo hooyeen doorashadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday, iyaga oo Eebbena uga baryey inuu caddaaladda ku sugo, isla markaana si cad u sheegay inay si xilkasnimo leh ula shaqayn doonaan.
Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa madax-dhaqameedka, waxgaradka, ganacsatada iyo hormoodka beesha Garxajis si ballaadhan usoo dhaweeyey, waxana kulankiisa ku wehelinayey ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno sarsare oo hoggaanka xisbiga KULMIYE katirsan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo ay labada dhinac isugu muujiyeen inay si dhaw ula shaqayn doonaan, isla markaana ay gacmaha isu qabsan doonaan sidii gebi ahaanba bulshwo-weynta reer Somaliland midnimadooda iyo wada-jirkooda looga wada shaqayn lahaa.
Xubno kamid ah salaadiinta ugu magaca weyn geyiga Somaliland oo ay kamid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, Suldaan Aadan Suldaan Faarax iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweyne Muuse Biixi u sheegay inay beel ahaan ka midaysan yihiin la shaqayntiisa iyo ku gacan-siinta arrimaha horyaalla, isla markaana ay ka go’an tahay in Somaliland oo gacmaha is wada haysataa garab istaagto madaxweynaha ku-xigeenkiisa la doortay, waxana ay madaxweynaha cusub ka codsadeen inuu si cilmiyeysan wax uga qabto wixii tabasho ah ee ay beel ahaan u tirsanayaan.
Siyaasiyiin waaweyn oo beeshan kasoo jeeda oo ay kamid yihiin Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil), siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa iyaguna tilmaamay inay si dhaw u hambalyeynayaan madaxweynaha iyo ku-xigeenka cusub ee la doortay, isla markaana ay diyaar la yihiin wixii wada-shaqayn ah ee ay uga baahdaan.
Madaxweynaha cusub ee la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna soo dhaweeyey hambalyada ay beelweynta Garxajis u muujiyeen iyo taageerada muuqata ee ay la garab taagan yihiin, waxana uu sheegay inuu talo, nasteexo iyo hogo-tusaalaynba marti uga yahay, isla markaana ay qayb ka yihiin qorshihiisa guud ee uu madaxweyne ahaan ka leeyahay dhammaanba beelaha reer Somaliland.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa intaas ku daray inuu diyaar u yahay fulinta qorshe caddaalad iyo sinnaan ku dhisan oo uu ka hirgeliyo dhammaanba deegaannada ay beelaha reer Somaliland degaan, isla markaana uu dhegaysan doono wixii talo ah ee usoo jeediyaan.24301007_505991966431194_3066460667811623461_n

24301163_505987159765008_2338573535196140493_n

24301249_505991843097873_6631520504455733697_n

24301467_505989733098084_605211499615185474_n

24775057_505989299764794_7599853650757101961_n

24796396_505987223098335_1935198272905004555_n

24796759_505987266431664_3110502709581628961_n

24852189_505988539764870_784704606937415208_n

24852239_505990513098006_2715310431571238591_n

24852249_505987423098315_6728612594496253617_n

24852398_505990959764628_2937468245241851417_n

24852650_505988356431555_229989789174681196_n

24909534_505992153097842_2999106653695239922_n

24909829_505987093098348_6326733954058167174_n

COMMENTS
- Haldoornews
- arabsiyo
- Sayruuq
- SL tomorrow
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Gabileynewsonline
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews