Haldoornews.com
Wali lama Caleema saarin, cadowgiina Cabsi la jiifii waa.
November 30, 2017 - Written by admin

muuse biixi9Doorashadan dhawaan Shacabka Somaliland u dareeri doono Haddi Rabi raali ka noqdey, waa doorasho aad uga duwan kuwii hore, sida khabiira badan hore u shaaciyeen. Khataraha amni ee ku xeeran marka laga tago, waxa kale oo isa soo tarayaa cabsida ay waddamada deriska qaarkood ka qabaan in Muuse Biixi Cabdi, murashaxa Kulmiye ku guuleysto hanashada kursiga Somaliland looga taliyo.
Wargeyska AfricanIntelligence ee ka faalooda arrimaha siyaasada Africada Bare, ayaa dhawaan qorey in xukuumada Soomaaliya oo werwer ka qabta guusha murashaxa xisbiga Kulmiye, Muuse Biixii Cabdi, dhawaan muujisey dabacsanaan siyaasadeed oo la xidhiidha maamulka iyo la soo wareegida hawada dalkii la isku odhan jirey Soomaaliya.
Wargeyska ayaa warbixintiisa ku xusey in wadahadal bishii Oktober 5-dii dhex marey Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland, Farxaan Aadan Heybe iyo dhigiisa Soomaaliya, Salad Cabdulaahi Cumar ku soo dhamaadey guul siyaasadeed oo u soo hoyatey Somaliland, kadib markii Xukuumada Soomaaliya ogolaatey heshiiskii hore labada dawladood kala saxeexdeen ee dhigayey in Hargeysa, Caasimada Somaliland laga maamulo Hawada dalki la isku odhan jirey Soomaaliya, si wadajirna maamulka looga soo wareejiyo Hay’ada International Civil Aviation Organization (ICAO) ee haatan qacanta ku heysa.
Wargeyska ayaa sido kale guusha Somaliland qaadhey sabab uga dhigey laba arrimood oo is biirsadey. Arrinta kowaad ayuu wargeysku ku sheegey, in kastoo warabaahinta Soomaaliya beryahan dambe aad u buunbunisey surtagalnimada in xukuumada Xamar ka talisaa ku guleysato la soo wareegita Hawada dalkii la isku odhan jirey Soomaaliya, Hay’adda caalamiga ah ee Hawada Adduunka aya Madaxda Soomaaliya si cad ugu wargelisey in wareejinta maamulka hawada aanu dhaceyn ilaa iyo inta ogolaansha laga helayo Xukuumada Somaliland. Arrinta labaad ayaa ah buu yidhi wargeysku, walaaca Xukuumada Soomaaliya ka qabto saadaasha natiijada doorashada Somaliland ee bisha November 13-keeda, walaacaas oo la xidhiidha shaqsiyada murashax Muuse Biixii Cabdi oo la filayo in uu ku guuleysto doorashada. Wargeyska ayaa warbixintiisa ku sheegey in xukuumada Soomaaliya oo ogsoon haddii Muuse Biixi Cabdi ku guuleysto doorashada u wadahadalkii labada dal u dhexeeyey gelin doono marxalad cusub oo aan ka farxin doonin, maadaama hore Muuse Biixii u sheegey in wadahadaladii ilaa haatan soo socdey noqdeen madhaleys, lana soo gaadhey wakhtigii aan si gabasho laheyn masiirka mustaqbalka siyaasadeed ee dalkii la isku odhan jirey Soomaaliya looga wada hadli lahaa.
Si kastaba xaaladu ha ahaatee, waxa muuqata in Murashaxa xisbiga Kulmiye, tiiyo wali aan la calaama saarin, jiif iyo joogba u diidey madaxda Soomaaliya iyo kuwa kale oo waddamada Dariska ka mida ah.

COMMENTS
- Haldoornews
- arabsiyo
- Sayruuq
- SL tomorrow
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Gabileynewsonline
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews