Haldoornews.com
Waa Kuma Madaxwaynaha 5-aad ee Somaliland Ka Boggo Taariikh Kooban oo Sharaxaysa Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.
November 21, 2017 - Written by admin

muuse bixiMudane Muuse Xuseen Cabdi (Muuse Biixi) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu ku dhashay Tuulo Faraweyne sanadkii 1948-kii, waxaana uu waxbarashadii hoose, dhexe iyo sare uu ku soo qaatay Dugsiyada Biyo dhacayga hoose iyo Biyo dhacayga sare ee Magaalada Hargeysa iyo Dugsiga Camuud oo ku yaala Magaalada Boorame intii u dhaxasay 1948 ilaa 1970kii.

Sanadkii 1970 ilaa 1973-kii, waxa loo diray Dhulkii laysku odhan jiray Midawgii Soofiyati, halkaasi oo uu ku soo qaatay shahaadada degreega oo uu soo bartay Cilmiga ciidamada Cirka gaar ahaana Diyaaradaha Bomber ee wax duqeeya kuwaasi oo uu ka dhigtay Kuliyad lagu magacaabi jiray Dishanbuul eek u taalay dalka Turkanistan oo ka tirsanayd Midawgii Soofayati ee USSR, waxaana markii uu soo dhamaystay culuumtaasi ee ay taariikhdu ahayd 1973-kii ilaa 1974-kii loo doortay Sarkaalkii hawlgalinta ee xafiiska raxanta Diyaaradaha duqaynta ee Soomaaliya ee ku taalay xerada afisyoone ee magaalada Muqdisho, waxaana xafiiskaasi markii danbe loo wareejiyay Magaalada Baydhabo.

Sanadku markuu ahaa 1975-kii waxa uu noqday ku xigeenka Sarkaalka Hawlgainta ee xarunta guud ee Ciidanka Diyaaradaha dagaalka ee Saldhigoodu ku yaala Bali-doogle.

1978-kii ayuu hadana Mudane Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uu noqday ku xigeenka Xafiiska Cilmi Baadhista ee Wasaarada Gaashaandhiga Soomaliya u qaabilsanayd Yurub iyo maraykanka, waxaana darajooyinkaasi iyo xilalkaasi uu ciidamada Cirka ka soo qabtay Muuse Biixi Cabdi uu sanadkii 1981-kii nasiib u helay inuu ka mid noqdo afartii sarkaal ee ugu horeeyay ee soomaali ah ee shir ku gala Wasaarada Gaashaandhiga ee Dalka Maraykanka ee Pantegonka, waxaana uu Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu isla sanadkaasi 1981-kii uu culuum kooban oo la xidhiidha Sida qalabka loo kala iibsado iyo shuruucda laysku dhaafsado uu ku soo qaatay Kuliyada Ciidanka ee ku taalay Ohoi ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi markii uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho 1983-kii, waxa loo taxaabay xabsiga,halkaasi oo uu ku jiray mudo lix bilood ah waxaana uu wakhtigaasi ku eedaysnaa qulqulatooyin wakhtigaasi ka taagnaa Magaalada Hargeysa.

Sanadku markuu ahaa 1984-kii waxa uu Muuse Biixi Cabdi uu shahaadada Milatari Sceince loo yaqaano uu ku soo qaatay Kuliyada Ciidamada ee Fortlee ee Gobolka Florida ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha la doortay ee Somaliland waxa uu sanadku markuu ahaa 1985-kii uu soo afmeeray la shaqayntii dawladii maxamed Siyaad Bare, waxaana uu wakhtigaasi ku biiray UrurkII dhaqdhaqaaqada ee SNM, waxaana uu ka mid ahaa Saraakiishii kaalinta firfircoon ka qaatay dhaqdhaqaaqaasi SNM, waxaana uu sanadkii 1987-kii uu xubin ka noqday Golihii dhexe ee SNM.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu sanadku markuu ahaa 1988-kii loo magacaabay inuu noqday Madaxii Sahanka ee SNM, waxaana uu isla sanadkaasi uu ka qayb qaatay dagaalkii u dhexeeyay SNM iyo Ciidamadii Siyaad Bare kaasi oo muddo gaadhaysa lix bilood, waxaana uu wakhtigaasi qaabilsanaa deegaanada Kala-baydh iyo wajaale.

Taariikhdu markii ah ahayd December 1900-kii waxa uu Muuse Biixi Cabdi uu ahaa Maskaxdii iyo firkadii ka danbaysa aaskaaskii Golaha Guurtida ee Somaliland, waxaana uu ka mid ahaa oo kale hawlwadeenadii Shirkii SNM ee ka dhacay deegaanka Mada-weyn.

Sanadku markuu ahaa 1989-kii waxa uu Muuse Biixi Cabdi uu ahaa Gudoomiyihi Shirweynihii SNM ee ka dhacay Degmada Baligubadle, waxaana shirkaasi lagu doortay Alle ha u naxariistee C/raxmaan Axmed Cali Tuur inuu noqdo Madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliland, waxaana shirkaasi ka dib Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi loo doortay inuu noqdo Madaxii Nabadgalyada ee Taliskii Ciidanka iyo Xeryaha Qaxoontiga eek u yaala Daroor, Kaam Abokor , Baliyalay iyo Dulcad.

1991, 92, ilaa iyo 93-kii waxa uu Muuse Biixi Cabdi uu ahaa madaxii hogaaminayay Shirarkii dib u heshiisiinta iyo dhawaaqistii Somaliland ee ka dhacay Magaalooyinka Berbera iyo Burco, waxaana uu sanadkii 1993-kii uu ka mid noqday ka qayb galayaashii Shirkii Boorame.Mu

Mudane Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Cusub ee Somaliland, waxa loo magacaabay wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland intii u dhaxaysay May 1993-kii ilaa August 1995-kii, waxyaabaha lagu xasuusto ee wakhtigaasi uu qabtay Muuse Biixi Cabdi waxa uu kaalin wayn ka soo qaatay aasaaskii labada gole ee Wakiilada iyo Guurtida markii dib loogu unkayay gudaha Somaliland, isaga oo noqday wasiirkii daakhiliga ee ugu horeeyay ee tagay Magaalada Laascaanood sanadkii 1995-kii, halkaasi oo uu soo galbiyay ergadii gobolka Sool uga qayb galaysay Golaha Guurtida oo uu wakhtigaasi khilaaf ka taagnaa.

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Cusub ee Somaliland intii uu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, waxa uu qayb laxaadle ka qaatay qaramayntii Maleeshiyaadka isaga oo door wayn ka soo qaatay aasaaskii ciidamada Booliska, Malitariga, Asluubta iyo dib u hawlgalintii saldhigyada iyo jeelasha Dalka.

Sanadkii 1996-kii Madaxweynaha Cusub ee Somaliland waxa uu dib ugu noqday nolosha beeralayda isaga oo dib u bilaabay geel dhaqasho, waxaana uu xaaladaasi ku jiray muddo gaadhaysa afar sano.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu arrimaha Siyaasada hadana dib uga soo muuqday sanadkii 2001-dii, wakhtigaasi oo uu ka mid noqday aasaasayaashii Urur Siyaasadeedkii Sahan oo hormood ka ahaa Saleebaan Maxamuud Aadan Gudoomiyaha haatan ee Golaha Guurtida, waxaana uu urur siyaasadeedkaasi uu ku hadhay tartankii ururada siyaasada,wakhtigaasi oo ay soo baxeen saddex xisbiga oo kala ahaa UDUB. Kulmiye iyo UCID, waxaana sanadkii 20013-dkii garab uu hogaaminayay Muuse Biixi Cabdi ay ku soo biireen Xisbiga Kulmiye, kaasi oo sanadku markuu ahaa 2008-dii loo doortay gudoomiye xigeenka Kulmiye ka dib shirweynihii xisbiga ee ka dhacay Magaalada Hargeysa.

Muuse Biixi Cabdi, waxay heshiis xisbi wareejin ah ay wada galeen Madaxweynaha haatan ka degaya xilka qaranka ee Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, taasi oo markii uu guulaystay Xisbiga Kulmiye sanadkii 2010 lagu wareejiay Muuse Biixi Cabdi inuu noqdo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, waxaana si rasmi ah Muuse Biixi loogu doortay inuu noqdo Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye sanadkii 2015-, waxaana tartano adag uu ku waajahay xisbiyada Mucaaradka ah ka dib uu ku guulaystay inuu noqdo Madaxweynaha Shanaad ee Somaliland.

Mudane Muuse Biixi Cabdi waa Madaxweyne degan Magaalada Hargeysa, waxaana uu leeyahay todoba caruur ah iyo laba xaas

COMMENTS
- Haldoornews
- arabsiyo
- Sayruuq
- SL tomorrow
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Gabileynewsonline
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews