Haldoornews.com
Shakhsiyada  Iyo  Shaqada  Waa  Laba  Is-leh, Misana  Kala  Duwan. Qalinka:  C.S.F. (Jeesto).
October 18, 2017 - Written by admin

jeestooSida  caadada  ah  waxan  la  yidhaahdo  nidaamka  iyo  kala  danbeyntu  waa   shey  ay  abuurto  shakhsiyad  haysa  shaqo  waajibaadkiisa  ah  taasoo  noqon  karta  mid  (Publicka) ama  mid(Private ah),  Markaa  halkaasi  ayey  ku  kala  baxayaan  macnayaasha  Shakhsiyad  ama  Shaqo  kuwaasoo  ku  kala  duwan  adeegsi  ahaan  iyo  adeeg  ahaanba.

Mida  ugu  mudan  waa  kala  saaridooda,e  Shakhsiyadu  waa  qofnimada  ama  karaamada  uu  rabbi  ku  hagoogey  Uumiyaha  dhulka  oogadiisu  ku  nool  kuwaasoo  ku  qalabeysan  karaamo  iyo  il-haamyo  rabaaniya  kuwaasoo  uu  ku  ladhey  khaaliqul-makhluuqu  kana  turjumaya  macnoyaal  fara-badan   sida  haybad  qofnimo,  karaamo  gaara  oo  noolaha  intiisa  kale  ah  ,  Qiimeyn  iyo  ka  duwanaasho  dhamaan  inta  guudka  oogada  ku  sugan,  al  macna  ku  nool.

Shakhsiyadu  waa  mid  kaa  turjumaysa  tayadaada,  tamertaada,  tarbiyadaada,  aqoontaada  iyo  dhamaan  karaamooyinka  hanoonsan  ee  Rabbigii  ina  uumey  kugu  galadey,  Waa  mida  ka  turjumaysa  waxyaabaha  gaar  ahaan  adiga  Raxmaanku   kuu  awood  yeelay,  lagumana  dabaqi  karo  waxyaabaha  dabiiciga  ah  ama  waxyaabahan  hore  iskaga  jirey  bil-amaara  yaga  laftarkooda.

Shakhsiyadu  waa  mid  ka  turjumaysa  Isirkaaga,  waxaad  tahay  gaar  ahaantaa,  waxay  kula  mideysaa  qoyskaaga  iyo  qoyskiina,  ma  laha  cid  kale  shakhsiyadaada  balse  waxa  kaliyaata  ay  u  sugnaatey  waa  adiga uun,  waxay  leedahay  karaamo,  sharaf,  milge,  maamuus  iyo  qiimeyn  gaara  oo  lagu  abuurey  yada  laf-ahaanteeda.

Shakhsiyadaadu  malaha  cay  ma  gaydo,  waxna  ma  gasho,  lamana  duri  karo,  mana  durana  waayo  waa  qofnimadaadan  matalaadeeda  balse  hadaad  la  kulanto,  dhaleecayn ,  cay,  colaadin  ama  ka  hor-imaatin,  Shakhsiyadaadu  ma  wadato  waxase  laga  yabaa  waxay  abuurto  ama  camalkeeda  ayaa  dhaliilan  oo  caayan  kasaa  keenaya   cambaareynta  iyo  ka  hor-imaatinka.

Shakhsiyadu  yadaa  wax  abuurta  oo   sameysata  hawl-maalmeed  iyo  waxay  ku  dabaqdo   noolasheeda  yaduna  ay  taqaano  farsamadeeda,  Taasi  ayaa  la  yidhaahdaa  Shakhsiyad  waa  tan  Aas-aasta  nolol  is-baddel  leh,  ama  intey  meel  ka  guurto  meel  kale  u  guurta,  Markaa  shakhsiyadu  waa  taasi  laakin  waxa  laga  yabaa  iney  shakhsiyada  shaanbad  ku  noqoto  shey  ay  yadu  gacanteeda  ku  abuurtey,  Waa  tani  shaqada,e.

 

Hadana  Bal  Aan  Fiirino   SHaqada:-

 

Sida  aynu  xusney  waa  laba  arimood  oo  is  leh  Shaqada  iyo  Shakhsiyadu ,  Sababtuna  waa  in  ay  shakhsiyadu  laf-ahaanteedu  abuuro,  beerto  shaqada  amaba  ay  hagto  loona  daba-fadhiisto ,  Horta  kani  waa  rugniga  ay  ku  mataanoobaan  labadan  arimood  inkastoo  ay  jirto  kala  duwanaasho  balaadhan  oo  isa  sameeya.

  

Shaqadu  waa  awood  wax  soo  saar  oo  uu  bina-aadamku  ku  dabaqo  noloshiisa  maalinlaha  ah  si  ay  suura-gal  u  noqoto  sii  noolaanshaha  noolaha  bani-aadamka  ahi,  Aan  halkaa  yara   cadeeyee  bani-aadam  dhamaantii  wuxuu  ku  nool  yahay  shaqo  uu  shaqeeyo  kana   shaqeeyo  hadba  waxii  munaasibkiisa  ah.

 

 

Shaqadu  waxay  noqon  kartaa  mid  masuul  aad  tahay  aduu  oo  masuuliyadeeda  aad  hayso  adiga  iyo  shaqaalaha  kaleba,  Midna  waa  mid  aad  shaqaale  tahay  ogaw  mar  kastana  shaqadu  waxay  kaaga  baahan  tahay  awood,  tamar,  masuuliyad  mar  kasta  kaa  saaran  waxa  aad  ka  shaqayso  ama  aad  gacanta  ku  hayso hadba  intaad  heerkeeda  joogto.

 

 

Shaqadu  waxa  fudeydiya  shakhsiyad  taasi  oo  hagta,  masuulna  ka  noqota,  waxaana  laga  yaabaa  marerka  qaar  in  hadii  la  dhaliilo  qofka  shaqadiisa  xag  kastaba ,  Ma,ha  mid  shakhsiyadiisa  laga  hadlayo  balse  waxaa  laga  hadlayaa  shaqada  aad  hayso  waayo  aduu  ma  xumid  mana  tihid  macan-gag  balse  shaqadaa  yara  hooska  liig  noqotay.

Shaqadu  waa  mid  kulmisa  shakhsiyaadka  lagana  yaabo  iney  isu  fahmi  waayaan  sida  shaqadu  u  socoto   maxsuulkeedana  ay  ka  dhalan  karto  dhaliilo,  cambaareyn,  cabashooyin,  iyo  waliba  waxyaabo  la  mid  ah,  Run  ahaantiina   qodobadaa  aan  soo  xusney  ma,aha   xumaan  qof  leeyahay  balse  xumaan  iyo  car-qalad  shaqadu  wadato  farsamo  awgeed.

Shaqadu  waa  tan  ugu  muhiimsan   is  dhex-galka  shakhsiyaadka  haday  tahay   mid  yar  iyo  weynba  waxaase  ka  weecsan  in  haday  xanaf  iyo  xagasho  jirto  aaney  aheyn,  Mid  ku  tacaluqda  shakhsiyaadka  balse  salka  ku  haysa   shaqada  iyo  hadba  wixii  ka  qaldan

Shaqadu  waxay  ku  dhisan  tahay  awood  lagu  fuliyo  hadba  inta  itaalkeeda  ah  hadiise  la  waayo  awoodaasi ,  Waxa  la  odhan  karaa  waa  mid  liidata  laguna  xagan  karo  cidda  haysa,  Mana  aha  naceyb  iyo  cunfi  shakhsinimo  waa  kan  shaqada  hayee  balse  waa  dhaliil  iyo  saluug  xaga  shaqada  ah.

 

Qalinka:  C/raxmaan  Sayid  Faarax (Jeesto).

Diplomatic  Annalysts.

Gabiley/Somaliland..  

COMMENTS
- Haldoornews
- arabsiyo
- Sayruuq
- SL tomorrow
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Gabileynewsonline
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews