Haldoornews.com
Saamaynta Caafimaad Ee Xaaraan Cunista Casrigani Leedahay
September 29, 2017 - Written by admin

Cali-Coomay-1Masuuliyiinta xilka ummadda u haysa qaarkood markay xilka qabtaan waxay markaba bilaabaan inay laba liqaan xoolaha ummadda oo qaab xaaraan ah u isticmaalaan. Masuulkii xilka hayey hantidii ummadda ayuu ku tagri falayaa intuu xilka hayey, markaasuu keyd ka dhigtaa oo ku shubtaa xisaabaad uu gaar u leeyahay (personal account).
Tusaalooyin dad xoolaha ummadda cunay:
= Gabadh maamuulka iyo xisaabaadka haystay oo lacagta siin jirtay shaqaalaha wasaaradda ay ka shaqayso ayaa caado u lahayd inay qof kasta kala hadho lacag dhan 50,000 SLSH, bil kasta. Qof kasta oo weydiiya waxa looga jaray waxa ay odhan jirtay waa qaadhaan loo jarayo shaqaalaha dhibaatadu la soo daristo, dabadeed lacagta iyada ayaa jeebada ku shubata. Muddo markay sidaasi ku waday ayey xannuunsatay, markaasaa dibada loola cararay, mise Kansar ayaa naaska kaga dhacay, naaskiina waa la jaray, oo lacagtii shaqaalaha ay kala hadhaysay ayaa lagu daweeyey. Markii ay soo noqotay, ayey haddana halkeedee ka miistay oo aanay waxba ku qaadan xaaraantii caafimaadka lagaga jaray.
Muddo ka dib carruurteedee ayaa xannuun ka bixi weyday, markaasay sheekh weyn oo Hargaysa caan ka ah u tegtay, markaasuu sheekhi su’aalay, waxa ay ka shaqayso, way u sheegtay, haddana mushaharkeedii ayuu su’aalay way u sheegtay. Dabadeed wuxuu ku yidhi, inna ma jirtaa lacag ay shaqaaluhu leeyihiin oo kugu baxday, haa bay tidhi, markaasuu yidhi taasi ayaa lagaa jarayaa oo caafimaadkii carruurta ka qaaday, lacagtaasi iska bixi oo wax dambena ha qaadan. Taladii sheekh ayey qaadatay, lacagtii ay shaqaalaha hore uga cuntayna saamaxaad ayey weydiistay qaarkoodna dib ayey u siisay, sidii ay carruurtii iyo iyadiba caafimaad ku heleen. Hasayeeshee xisaabtii Alle way u hadhsan tahay.
= Nin maamule dugsi dawladeed ka ahaa ayaa macalimiinta kala hadhi jiray lacagta ardayda laga qaado, markay macalimiintu weydiiyaan lacagta ardayda laga qaaday intay tahay wuxuu odhan jiray waa intan, isaga oo badh kala hadhi jiray. Dabadeed markii uu muddo sidaasi ku waday, ayuu xannuunsaday, dhakhtar loola carar, ka dib Itoobiya ayaa la geeyey, dhakhtarkii ayaa baadhitaan ku sameeyey, markii ay soo baxday natiijadii baadhistu ayuu dhakhtarkii yidhi, ninkan wax xannuun ah ma hayo. Fajac, isagii ayaa loo sheegay in baadhitaankii lagu ogaaday in aanad xannuunsanayn, hasayeeshee aad shakisan tahay. Ninkii wuu yaabay, waar miyeydaan islaam ahayn, maxaa meesh I keenay haddii aanan xannuunsanyn. Qoyskii ayaa go’aan ku gaadhay inay Hargaysa dib ugu soo celiyaan oo ay Qur’aan iyo diinta ku daweeyaan, sidii ayey yeeleen.
Sheekh dhirta dadka ku daweeya ayaa loo geeyey, sheekhii wuxuu cunsiiyey dhir, ka dib ninkii waxa ka dhexqayliyey, dad badan oo buuqaya, balse aan la fahmayn waxa ay ku hadlayaan. Dabadeed sheekhii ayaa yidhi muxuu ka shaqeeyaa, waxa la yidhi waa maamule dugsi, markaasuu yidhi xaq dad ayaa ku maqan. Qoyskiisii ayaa baadhis sameeyey, mise waxa ay soo ogaadeen inuu macalimiinta lacag ka cuno, ka dib ninkii ayaa lagu yidhi wax kale kuma haystee lacagtii aad macalimiinta ka cunaysay ayaa ku haysta, ninkii wuu qirtay, sidii baa macalimiintii loogu keenay xaruntii sheekha oo lagu yidhi cafiya Ilaahayna caafimaad u weydiiya. Ninkii Ilaahay caafimaad ayuu siiyey, haatan weli waa maamule dugsi, qofna boqol shillin kama cuno. Hasayeeshee xisaabtii Alle way u hadhsan tahay.
= Tuaaal ahaan masuulka ayaa keyd ahaan u dhigtay lacag dhan oo qadarkeedu yahay $600,000. Isagoo ku faraxsan lacagta badan ee uu helay ayaa xilkii laga qaadayaa, ka dib wuxuu is odhanayaa imika ayaad fursad u heshay inaad lacagtii waxa ku qabsato. Ha noqoto inuu guro ku dhisto amma ganacsi ku furto. Markaa xilka laga qaado ayuu xanuun xaga ilaahay k yimid ku dhacaa. Markaba waxa la dhigaa dhakhtar gaar loo leeyahay oo lacag badani ku baxayso.
In muddo ah ayuu ku jiraa. Hadana waxa la odhanayaa halkan waxba waa lagaga qaban waayey ee dibada ha loo qaado. Tikidhkii, baasaaboorki iyo diyaaradii ayey lacag badani ku baxaysaa. Waxa loo qaaday dalka Hindiya dhakhtarkii la gee, muddo ka dib hadana waxa la yidhi halkan waxa ka dhakhtar fiican maleesiya ha loo qaado, maleesiya la gee muddo ayaa halkaasi lagu daweeyaa, hadana waxa la yidhi dhakhtarka ugu fiicani ee xanuunka dawayn lahaa waxa laga helayaa Jarmalka. Jarmalkii la gee muddo halkaasi lagu dawee.
Masuulkii ilaahay xaaraan kaga jarayo ifka ee ajali u dambayso wuxuu soo noqdaa isagoo caato ah oo aan shilin ka hayn lacagtii ahayd $600,000, ee xoolaha ummadda ahayd. Ka kalena intuu xanuunsado ayuu ku dhintaa, aakhirkana ilaahay ayaa la xisaabtama. Madaxda qaarkood iyagoo xilka haya ayey toos guryo ugu dhistaan xoolaha ummadda, markay xilka laga qaado ayey xanuusadaan gurihii xaaraanta ahaa ayaa dib loogu xarashaa si loogu daweeyo.

Ciqaabta ka dhalanaysa cunista xoolaha ummadda
Ilaahay SWT wuu xaaraantimeeyey cunis xoolaha agoonta, siday sheegayso aayadda 10-naad ee suuradda Al-Nisaa “kuwa xoolaha agoonta ku cunaya dulmi, waxay calooshada gelinayaan naar”. Qofka madaxda ahi waxa uu ka baxay ballankii uu ilaahay la galay, marka uu xoolaha ummadda cunaayo.
Sidoo kale wuxuu ilaahay SWT suuradda Isra aayadda 34 ilaahay wuxuu ku sheegay kuna amray dadka muslimiinta ah” Oofiya ballanka, waayo qiyaamaha ballanku waa mid lays wediinaayo”. Ma jirto khiyaamo ka weyn in xoolaha ummadda la cuno. Xadiis saxeexa ah ayuu Nabigu(NNKHA) ku yidhi” Qofka na khiyaamaa naga mid maaha”. Waxa soo saaray Muslim, waxaana weriyey Abu-Hurayra.
Suuradda Aali Cimraan aayadda 161-naad ayuu ilaahay SWT ku yidhi” Qofka wax xada amma khiyaameeya, qiyaamaha waxa uu la iman waxa uu xaday amma khiyaameeyey.” Dhammaan aayadahaasi iyo axaadiistaasi wax ay inoo caddaynayaan inay xaaraan tahay in xoolaha ummadda xaq daro lagu cuno. Ilaahay xaqa ha na waafaqiyo.

Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@hotmail.com

COMMENTS
- Haldoornews
- arabsiyo
- Sayruuq
- SL tomorrow
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Gabileynewsonline
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews