Haldoornews.com
Somaliland: Been U Jog- Qalinkii: Mustafa A. Nuur
September 21, 2017 - Written by admin

Mustafe-Aadan-NuurDimuqraaddiyaddu waxay leedahay laamo ay ugu muuq dheer tahay doorashooyinka sida xorriyadda leh loogu tartamo hoggaaminta ummadda. Waddamada ay reer Galbeedku ugu yeedhaan “Dunida Saddexaad” haddii laba tartame ay u wada ordaan kursiga madaxweynaha dimuqraadiyadii oo dhan waajibaadkeedi in ay fuliyeen ayay u tahay. Xaqiiqadu se sidaa way ka duwantahay.
Waa maxay dimuqraadiyaddu? Dimuqraadiyaddu waxa ay tahay maamulka xukuumadda oo ka soo fataha, ama ka soo unkama dadka iyo waxa ay iyagu raali ka yihiin.
Si kale haddii aan u idhaahdo, dimuqraadiyaddu waa nidaam ay hoggaamiyayaasha siyaasadda dadku u doortaan si xor ah, iyagoo ku dooranaya doorashooyin cadli iyo colaad la’aan loogu tartamo. Meesha ay dimuqraaddiyadi ka jirto dadku waxa ay xaq u leeyihiin in ay dhaliilaan hoggaan kooda, haddii ay si wacan ugu adeegi waayaanna, ay beddelaan. Dadku iyagaa taliya—waa awoodda ugu danbaysa ama ugu sarreysa ee waddan dimuqraaddi ahi uu leeyahay. Xukuumadda iyo xarakaadkeeda siyaasadeedna waxa aasaas u ah oo uu salka ku hayaa rabitaanka dadka. Maamulka siyaasadda waddanka hoggaaminayaana waa in uu u dhego nugllaadaa dadka, diyaarna u noqdaan in ay si degdeg ah uga jawaabaan baahiyahooda. Waa taasi dimuqraadiyaddu!
Somaliland waxay awoodday in ay dhisato dawlad iyo nidaam dimuqraaddi ah, balse ay qabyaaladi ragaadisay oo sii bakhtiyaya. Hoggaamiye kasta, heerka uu doono ha joogee awoodda uu shaqada ku leeyahay iyo aqoonta uu u leeyahay cidina wax kuma fasho, waxa se la tirsadaa, isna u tirsanyahay reer. Reerka waxba ugu filna, haddana way ku wada qanacsanyihiin in uu “inankoodii” dawladda xil ka hayo! Sababtaasi awgeed, Somaliland ma joogo siyaasi codka bulshada uu u taliyo maqla. Haddii muuqaalka iyo codka musharrixiinta iyo siyaasiyiinta xisbiyada la innaga qariyo, oo khudbadahooda oo qoraal ah la akhriyo, maynnaan kala saarneen.
Waxaa mideeya oo ay ka simanyihiin harraad ka ay u qabaan in ay kol uun kursiga hoggaaminta waddanka ku fadhiistaan. Kuma kala duwana sababta ay u doonayaan in ay hoggaaminta waddanka gacanta ku qabtaan. Haddii ay sababtu kala duwanaan lahayd, waxaa kala duwanaan lahaa waxa ay doonayaan in ay qabtaan iyo sida ay u qabanayaan. Sidaa awgeed, mid ka kale ku dhaliili kara laaxinka siyaasaddiisa ku jiraa ma jiro.
Kolka doorashooyinku soo dhowaadaan, xisbi waliba waxa uu awooddiisa iskugu geeya in uu kasbado taageerayaal u codeeya. Sababtu waxay doonto ha noqotee, Kulmiye wuxuu soo bandhigay “barnaamijkiisa siyaasadeed” ee uu ku gelayo ololaha doorashada. Barnaamijkaasi wuxuu ka koobnaa waxa uu qaban doono haddii uu doorashada ku guulaysto. Taasina waxaa garab socday wixii uu qabtay toddoba sanno oo uu Somaliland hoggaaminayay. Sida caadiga ahna barnaamijyada ololaha doorashada waxa ay tahay in lagu soo bandhigo wixii la qaban doono. Sheegashada wixii la qabtay waa la qabtay, run iyo beenna waxaa ka jawaabi doona shacbi weynaha iyo waayahooda. Ceebta koowaad ee uu leeyahay barnaamijkaa uu Kulmiye soo bandhigay waa taasi. Waxyaalah la qabtay waxaa ugu badan, sida ka muuqatay bandhiggii loo sameeyay barnaamijka waddooyin. Waddooyin magaalooyinka isku xidhaya iyo qaar magaalooyinka laftood dhex maraya ba. Waxaa la yaab lahaa qodobbo dhowr ah oo hoos tegayay ciwaanka ay u bixiyeen “Kaabayaasha dhaqaalaha.” Qodobkaasi waxa uu ka warramayay waddooyinka la sameeyay intii uu Kulmiye xilka hayay. Waddooyinkaa barnaamijka lagu sheegay waxa ay kala ahaayeen: 282 waddo oo isku xidha magaalooyinka dalka, 156.4 oo dhex mara magaalooyinka. Intaasi total waxay isku noqonaysaa 438.4 waddooyin ah oo la dhisay. Tirada intaa le’eg ee waddooyin ah, kuma jiraan kuwa ay shacabku iskood u dhisteen xukuumadduna wax ku darsatay, kuma jiraan kuwa la dayac-tiray ee hore u jirijiray. Waddooyinka intaa tiradaa lehi halkay ku yaallaan? Yaa arkay? Taasi waxaa ka sii layaab badan, tiradan jajabka ahi halkeebay xisaabta ka soo gashay? Kol haddii wax la taaban karo laga hadlayo sidee xisaabtu jajab u geli kartaa? 156 garannay, balse kolka tiro waddooyin ah la sheegayo 0.40 iyo jajabkaasi maxaa looga jeedaa?.
Barnaamijkaasi sida uu u dhanyahay waxa gidaar sidii filinka looga daawanayay ka akhriyay xubin ka tirsan Kulmiye. Dhammaan ballanqaadyadaasi dhammaantood mid sababtiisa iyo suurogalnimadiisa watayna kuma jirin. Waxa uu u eekaa in aan wakhti ku filan la gelinin, ama aan xil badan la iska saarin, lacag badani se ay ku baxday. Barnaamijyada iyo ballanqaadyadu wax la soo koobi karayay may ahayn. Sidaa oo ay tahayna, sidii ay u qabsoomi lahaayeen meelna laguma sheegin. Barnaamij kastaa waxa uu ahaa mashruuc weyn oo ay malaayiin lacag ahi ku baxayso. Qaarkood waxa ay u baahnnaayeen aqoon iyo awoodo xirfadeed oo aynu wada ognahay in ay adagtahay in Somaliland wakhtigan laga heli karo.
Inkasta oo barnaamijka ujeeddada ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay in uu gooyo olole macno leh oo cod lagu helo, haddana looma meel deyin baahiyaha iyo suurogalnimada wax ka qabashadooda muddo kooban oo shan sanno ah. Baahiyaha bulshadeena maanta ka dhex jiraa magaca ayay baahi ka wada yihiin, wax ka qabashadoodu se waxay u baahantahay in sida ay u sii kala daran yihiin loo soo kala horreysiiyo. Caqli gal ma aha in mar qudh ah wax laga wada qabto kaabayaasha dhaqaalaha oo nooc kasta leh, caafimaadka, xoolaha, beeraha, waxbarashada…iwm. Barnaamijka Kulmiye wuxuu ahaa sidii masraxiyad habeen la daawanayo oo kale. Kulmiye isaga oo waddanka hoggaaminayay toddobadii sanno ee ugu danbeeyay, sideed sanno oo ka horreeyay na mucaar ahaa, cid kasta wuu uga aqoon badanyahay baahiya aasaasiga ah ee in degdeg wax looga qabto u baahan. Nasiibdarro se barnaamijkiisan cusubi waxba kama duwana kii hore ee ay doorashada ku galeen sannadii 2010-kii.
Shuuciyaddu waa aaydhiyoolajiyad dhaqaale oo aad u kakan, islamar ahaantaana, marka ugu horreysa duullan ku qaadda xorriyadda shacabka iyo dhaqdhaqaaqooda feker iyo kooda dhaqaale. Aaydhiyoolajiyaddaasi waxay ku saaqidday in ay is oggolaysiiyo rukunnada ay ku dhisantahay iyo rabitaanka shicibkeeda. Kolkii ay gaadhi kari wayday taageerrada shacabkeedana way dhacday oo waxaa ka adkaaday nidaamyadii kale ee ay dunida dusheeda ku loolamayeen oo uu ugu horreeyo ka hanti-goosiga la yidhaahdaa. Miyay u muuqataa in ay Somaliland maanta u baahantahay nidaamkaasi?
Barnaamij siyaasadeedka Kulmiye sida uu doono ha u dhantaallaadee waa dimuqraadi aan hantiwadaag ahayn. Waxaana uu si duudduub ah u sheegayaa in uu wax ka qaban doonto baahiyaha bulshada. Hoggaanka Kulmiye iyo barnaamijka siyaasadeed ee xisbigu in ay isla jaanqaadi karayaan waxay uu baahantahay in la caddeeyo. Ballan qaadyasaasi sidee bay u fuli doonaan? Waa su’aal qof kastaa ba is wayddiiyo, jawaabteeduna ay u fududdahay siyaasiyiinta Somaliland, gaar ahaan gaangisteriska Kulmiye!
Kulmiye waagii uu mucaaridka ahaa gar iyo gardarro ba waxa uu ahaa mucaarid aad u carrab kulul, islamarkaana u gacan kulul. Dhaqdhaqaaqyadiisii mucaaradnimo ee uu ugu halgamayay sidii uu hoggaanka dalka u hanan lahaa waxaa ka dhashay khasaareyaal naf iyo maal ba lahaa. Maanta se isagu ma jecla in la mucaarido; beenta na kama xishoodo kamana baqdo wax kasta oo kaga soo noqon karaya.
2010 kolkii uu ku guulaystay doorashadii madaxtooyada waxa uu soo bandhigay barnaamij kan maanta uu soo bandhigay oo kale ahaa. Barnaamijkaasi waxa uu ku muddaysnaa in ay ku fuliyaan muddo shan sanno ah, oo ah muddo xileedka sharciga ah ee uu xisbi kursiga ku fadhiyi karo inta aan doorasho danbe la qaban. Laba sanno kolkii ay xilka hayeen, bishii Noofember 2012 waxay ku dhawaaqeen, in ay dhammaan wixii uu barnaamijkoodu ku baaqayay la fuliyay. Sida ay sheegeen qiyaas ah boqolkiiba toddobaatan iyo shan (75%) in la fuliyay ayay golaha wasiirradu ku dhawaaqeen. Kolkay sidaa yeeleen, muddo xileedkiina ay ka hadhsantahay saddex sanno oo ku dhammi saw may ahayn in waxa kale ee ay qabanayaan ee muddada u hadhay ku buuxinayaanna ay sidoo kale sheegaan? Waxaan uga jeedaa tusaalahaa, in Kulmiye wixii uu odhanayo uu yidhaahdo, isaga oo ku kalsoon oo aan dan ka lahayn runnimadiisa iyo suurogalnimadiisa toona.
Waxa kale oo uu barnaamijku ka hadlay musuqmaasuqa iyo heerka uu marayo iyo sidii loola dagaali lahaa. Hoggaamiyaha xisbiga laftiisu arrintaasi meelo badan buu kaga hadlay, waxaanu sheegay in musuqmaasuqu uu yahay ka curiya ee keenay dhammaan dhibaatooyinka waddanka ka jira oo dhan. Waa runtooda oo waddankii waxaa ragaadiyay musuqmaasuqa oo wakhtigan aan xad lahayn. Kolka ay sidaa leeyihiin, ee ay iyagu yihiin xukuumaddan muddo xileedkeedu uu toddobada sanno marayo, musuqa laga hadlayaana uu yahay ka xilligan ka dhex jira maamulka xukuumadda Kulmiye, miyaan xaq loogu lahayn in ay qirtaan in musuqa jiraa nooc kasta oo uu ayahy ay xukuumaddani masuulliyaddiisa leedahay. Intaa kaddib, ha ku ololeeyaan in ay shanta sanno ee soo socda musuqa wax ka qaban doonaan. Kulmiye musuqa gaammuray ee xididka ciidda xuluuliyay ee isla xukuumaddiisa iyo xisbigiisa ba ka dhex jira sidee buu wax uga qaban karayaa?
Odaygii la odhan jiray Abraham Lincoln oo ahaa madaxweynihii 16-tobnnaad ee Maraykan, 1861 illaa 1865 xikmadihii laga dhaxlay waxaa ka mid ahayd: “Nearly All men can stand adversity, but if you want to test a man’s character, give him power” Waxa ay Afsoomaali ku noqonaysaa: “Yaalaaba dadku way u dhabar adaygaan dhibaatooyinka, haddii se aad doonayso in aad qof tijaabiso dabcigiisa, awoodda u dhiib”

COMMENTS
- Haldoornews
- arabsiyo
- Sayruuq
- SL tomorrow
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Gabileynewsonline
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews